Uncategorized

Akhriso: Maqaal uu qoray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh (Soomaaliyey I Maqal)

iftineducation.com – Maqaalkan ayuu Madaxweynihii hore kaga hadlayaa sooyaalka taariikhda dhow ee dowladda dhisida Soomaaliya, mudadii bur burka iyo caqabadihii jiray, iyo talooyin uu jeedinayo.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Maqaalka uu qoray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliyey I Maqal
Ilaa iyo waagii dowladnimada Soomaaliya ay dhalatay 1960kii, mar kasta waxaa jiray caqabado ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayeen ha ahaadaan kuwo siyaasadeed, dhaqaale, ama Bulsho. Inta badan caqabadaha waa xoojin jiray ama adkeyn jiray oo sababi jiray in si sahlan looga gudbi waayo, fahamka dhaqanka dowladnimada casriga ah ay u baahan tahay oo ay ugu horreeyaan sammirka, dulqaad iyo fogaan arag ah wixii aad manta weydo ama aad jecleyd iney dhacaan ee dhici waayay berri ayey ahaanayaan sida aad jeclaan lahayd. Waxaa taa mar walba barbar socday damaca qofka ama kooxda oo inteenna badan aaney awoodin inaan aqbalno waxa Soomaaliya danta u ah ee ka duwan tii aan jecleyn ama rabnay iney dhacdo.

Sooyaalka taariikhda dhaw ee dowlad dhisidda Soomalia, gaar ahaan burburkii ka dib waxay u baahan tahay in dib loo milicsado toosinteedana qiimi badan loo huro. Qiimigaas oo ay ugu weyn tahay in laga dulqaato isqabqabsi keena dib u dhac iyo waqti badan oo Soomaaliya muhiim u ah inuu lummo. Arrinkaani wuxuu si weyn uga muuqdaa dowladihii kala duwaanaa ee Soomaaliya laga soo billaabo dowladdii lagu soo dhisay Carta sannadkii 2000.
Marka laga reebo LABA sano oo uu socday shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Kenya 2002-2004, waxaa dalka laga soo dhisay AFAR dowlo oo ay hoggaminayeen AFAR madaxweyne oo soo magacaabay 12 Ra’iisul wasaare oo soo dhisay in ku dhaw 12 xukuummadood. Tani waxay tilmaamee in dowlad kasta ay soo martay SADDEX xukuumadood iyadoo dowladda ugu badani ay AFAR sano jirtay kuwo qaarkoodna ay howlgal ahaayeen in ka yar LABAO sano.
Haddaba aqristow adaan kuu daayay ee isbarbar dhig howsha uu u baahan yahay dal burburay oo dagaal sokeeye ka soo baxay oo haddane argaxiso ku habsatay isla markaan dib u dhacsan muddo rubuc qarni ah ee qeyrkeen ku tallabsadeen horumarkii ugu weynaa ee ebid dunida ka dhaca gaar ahaan gobolka geeska Afrika ee aan ka tirsannahay joqoraafi ahaan. Haddii aan intaas uga baxo gogoldhiggii qormadaan kooban iyo maan dhabaandhawga aqristaha, maanta xaalkeennu xaggee marayaa?
Maanta dalka waxaa ka jirta dowladdii SHANAAD ee burburkii ka dib oo uu hoggaaminayo madaxweynihii SAGAALAAD oo soo magacaabay Ra’iisulwasaarihii 13aad burburkii ka dib. Doorashada madaxweynaha waxaa taageeray dad aad u tira badan oo Soomaali ah sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha waxaa lagu ansaxiyay cod wadar-oggol ah ee golaha shacabka. Muddoo usbuucyo ah Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha waxay wadeen la tashiyo lala sammeynayey golaha shacabka iyo qeybaha bulshada gaar ahaan qabaa’ilka. Intaas ka dib, Ra’iisul-wasaaraha wuxuu dhisay xukuumad ay isaga, Madaxweynaha iyo qeybo ka mid ah dadkii ay la tashadeen u arkeen iney ku Habboon yihiin xilka loo magacaabay raggaas iyo gabdhahaas Soomaaliyeed. Inkasta oo muddadii magacaabista xukuumadda aan soo moogahay dalka, haddane waxaa saxaafadda, baraha bulshada iyo ila wareedyo kala duwan ku arkaa ama ka maqlaa tabasho ka soo yeereyso xubno ka tirsan siyaasiyiinta iyo qabaa’ilka qaarkood. Aniga oo ka duulayo waayo aragnimadeyda iyo inaan ahay oday Soomaaliyeed oo siyaasi ah kana tirsan golaha shacabka, waxaan jecleystay, anigoo soo koobaya, inaan idin la wadaago arrimaha soo socda:
Waayo aragnimo
  1. Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha waqti intaas ka badan uma heli karin la tashiga noocaan ahna ma laha meel uu ku dhammaado laakin hadba intuu waqtiga kuu saamaxayo ayaa la sammeeyaa.
  2. Dhismaha Xukuumadda halka halbeeg siyaasadeed ee ay leedahay waa iney dhammaan qabaa’ilku Soomaaliyeed ka kooban tahay iyadoo la tixgelinayo halbeegyo kale oo dhinacyada farsamada la xiriiro.
  3. In laga fogaado shaqsiyaad bulshada dhexdeeda ceebo la taaban karo ku leh si dadku aaney uga gowsqabsan aqbalaaddooda, madaxduna aaney ugu mashquulin difaaciddooda iyo u qiil dayidooda.
  4. Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha iney sammeystaan habeegyo ay ku cabbiraan shaqsiga ay golaha ku soo darayaan
  5. In la dhowro shurrudaha ku cad dastuurka ee xubinta ka mid noqoneysa xukuumadda intii suurtagal ah
Talo soo jeedin
Talo soo jeedintaan waa mid ka madax bannaan hammi siyaasadeed iyo taageero qof ama koox gaar ah. Waa mid aan ula dan leeyahay oo kaliya hagaajinta iyo horay u socodsiinta dowladnimada Soomaaliya.
  1. Xukuumad kasta oo la dhiso waxay ka koobantaa qofaf aad adiga heyb wadaagtaan intii aad doontaan isku jira e, sidaas daraadeed waxaa habboon inaad oggolaato fursadda walaalkaa / walaashaa kugu Beesha ah. Ogow haddii aad diido in lagu hoggaamiyo adiguna wax ma hoggaami kareysid BARRI – waaba haddii BARRI ay ku qoran tahay qaamuuskaaga – Galliimi doonow galliin ha diidin.
  2. Ku dhawaad LIX bilood ayaan ku soo jirnay doorasho, ku dhawaad LABA biloodne waxaa lagu mashquulsanaa xukuumad dhisid. Intee in la eg oo waqti ah ayaa dalku ku sugnaa karaa xaladdaas xukuumad la’aanta ah annagoo og in dowladnimadeenna ay wali NUGUSHAHAY oo aaney noo xoogganeyn hab-maamul dowladeedkeenna (Bureaucracy).
  3. Haddii xukumadda maanta la dhisay la diido yaa noo ballan qaadayo tan ku xigta iney la oggolaanayo. Sow ma habboona inaan fursad siinno oo la ansaxiyo oo markaa ka dib haddii ay gudan weydo waajibaadkii loo igmaday aan wax ka baddal soo jeedinno annagoo raaceyna nidaamka noo deggan ee horay loogu heshiiyay.
  4. Ma dareensan tahay in inta aan ku mashquulsannahay xukuumad dhisidda, Soomaaliya ay wax badan uga hallabayaan xukuumad la’aanta. Meeqa isku day daneysi ajnabi iyo shaqsiyaad Soomaali ah ay wadaan ayaa socda oo la doonayo in dalka ama qeybo ka mid ah la TAFAARIIQ gadeeyo iyadoo laga faa’ideysanayo mashquulka madaxda iyo xukuumad la’aanta dalka ka jirta.
  5. Xaaladda jirta awgeed, meeqa shir oo arrimaha Soomaaliya looga tashanayo ayaa dhacay ama ballansan. Go’aannada shirarkaas qaarkood Soomaaliya waa ku qasban tahay iney u hoggaansato iyadoo aan talo ku lahayn markii la gaarayay.
Gunaanad
Dadka ku qoran liiska xukuumadda la soo magacaabay dhammaantood kuma qanacsani laakin qof iyo labo ila xun awgood ma qabo in loo hor istaago dhismaha xukuumadda. Sidaas daraadeed, waxaan usoo jeedinayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan xubnaha golaha shacabka ee aan ka mid ahay, iney go’aankooda la xiriira ansaxinta xukuumadda ay aad uga fiirasadaan oo aaney ku saleyn rabitaan ama caro manta ku eg. In badan oo hadda ku jirta liiska xubnaha xukuumadda waxaa hubaal ah muddo dhaw ka hor kuma ayan riyooneyn iney Wasiir noqon doonaan waana noqdeen adigu ma ogid meesha ay fursaddaasi kuu soo jirto ee noqo mid walaalkii fursad siiya si uu isna berri fursad u helo markiisa.
“GALLIIMI DOONOW GALLIIN HA DIIDIN”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *