Uncategorized

Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay oo tagay Sacuudiga

iftineducation.com – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres oo dhawaan xilkaa loo magacaabay ayaa haatan ku sugan magalada Riyad ee Caasimada dalka boqortooyda Sacuudi Careebiya.


António Guterres oo shalay galab booqsho rasmi ah ku tagay Sacuudiga ,waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Boqor Khaalid  ee magaalada Riyaad ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Sacuudiga Khaalid Caadil Bin Al-Jabiir,iyo wakiilka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay Cabdalla bin Yaxya.


António Guterres ayaa horey usoo noqday madaxa hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR, iyadoo xilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay ee dhawaan loo magacaabayna uu  heyn doonaa muddo 5 sano ah.





WD/Mukhtaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *