Uncategorized

Xasan Sheekh iyo Qoysaskiisa oo Boorsooyinkooda ka xir xiranaya Villa Soomaaliya

iftineducation.com Madaxweynihii hore ee Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Mxaamuud ayaa dhawaan lagu wadaa in uu xilka si rasmi ah u wareejiyo uuna ka baxo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu wali degan yahay.


Sida aan Wararka ku heleyno Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoysaskiisa ayaa ku mashquulsan xir xirashada boorsooyinkooda si ay u baneeyaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay markan soo degayaan Qoyska Madaxweyne Farmaajo.



Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga adkaaday doorashadii 8-dii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana dad badan ay filayeen in Xasan Sheekh uu sii joogi doono xarunta Villa Soomaaliya 4-sano oo kale. 


Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo qoysaskiisa ay u guuri doonaan dal dibada ah oon walio la cadeyn, wararka qaar ayaana sheegaya in ay degi doonaan dalka Turkiga oo qasri looga diyaariyay.


Madaxweyne Farmaajo oo hada degan Hotelka Jaziira ayaa la filayaa in si rasmi ah ugu guuro xarunta Villa Soomaaliya maalmaha soo socda, waxaana hada socda qaban qaabada xaflada xil wareejinta iyo caleemo saarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *