Uncategorized

Ururka Al Shabaab oo ciidamo cusub ku soo bandhigay Degmeda Jilib (sawirro)

iftineducation.com – Ururka Al Shabaab ayaa wax ay ciidamo cusub ku soo bandhigeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, sida ka muuqatay sawirro ay Shabaabka soo dhigeen barahooda Internet-ka.


Ciidamadan cusub ee Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa la sheegayaa inay ka shaqeynayaan Wanaag farista iyo xumaan ka reebista dadka ku nool Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.


Hadaba Fagaare wayn oo ku yaallo Degmada Jilib, ayaa lagu soo bandhigay ciidankan oo ka duwan kuwa Shabaabka lagu yaqaano, sidoo kalena waxa ay xirnaayeen dhar gaar ah.


Ciidamadan cusub ee Shabaab ay howlgaliyeen ayaa waxaa lagu soo bandhigey muddooyinkan dambe deeganada ay ka arimiyaan Ururka Al Shabaab.






Ciidankaan ayaa dadka ku nool Degmada Jilib ay soo dhaweeyeen, maadaama aysan diidi karin oo Shabaab ay ka taliyaan Degmadaasi qasabna ku tahay soo dhaweyntooda.





Wararka qaar ayaa waxa ay Sheegayaan in ciidankan ay xitaa awood u leeyihiin inay baaraan Taleefankaaga, iyagoo ka raadinaya cida aad xiriirka la leedahay iyo anshaxa Muuqaalada kuugu jira taleefankaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *