Uncategorized

Shirkad ajnabi ah oo boqolaal xoogsato ka ceyrisay dekeda magaalada Berbera

iftineducation.com – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaqada ka cayriyey 250 ka mid ah shaqaale degaanka ee ka xoogsan jiray dekeda magaalada Berbera


DP World ayaa dhowaan waxaa maamulka Somaliland uu u saxiixay in muddo 30 sano ah ay gacanta ku heyso maamulka dekeda Berbera ayaa la sheegay inay doonayso inay isbedel ku samayso Shaqaalaha dekedan.


Maamulka Shirkadda DP World ayaa waxay shaqaalaha degaanka u sheegeen inaan loo sii baahneyn shaqadooda, lagana maarmay.


Dekedda Berbera waxaa ka hawl-geli jireen in ka badan 950-shaqaale Muruq-maal ah waxay tani ka dhigan tahay in la ruqseeyey %20 shaqaalaha dekeda.


Shirkaddan ayaa sidoo kale sheegtay inay suurto-gal tahay in xoogsato kale shaqada laga joojiyo, waxaana shirkaddu ay la timid shaqaalr fara badan oo ajaaniib ah. 



Shaqaalaha la cayriyey ayaa agagaarka dekeda iyo wadooyinka magaalada Berbera ka dhigay Dibadbaxyo Cabasho ah, balse Maamulka Somaliland ayaan illaa hadlin arintan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *