Uncategorized

Shariif Xasan oo geesinimo u qiray madaxweynaha cusub

iftineducation.com – Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in is bedelka ka dhacay dalka uu noqdo mid ka taliyo Umadda aayaha, nidaam, nabad iyo horumar, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha la doortay inuu ka taliyo Umadda horumarkeeda.


“Madaxweynaha la doortay waa nin aan horay u soo wada shaqeynay, waa nin taariikh leh, hoggaamiye ah, bulshada hoggaaminteedana ku fiican, waa nin geesi ah oo aragti leh”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.


Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, isagoo xusay inuu aaminsan yahay inuu yahay nin wax ka qaban kara dalka.





Sidoo kale waxaa uu fariin u diray Beesha Caalamka oo ku aadan inay la shaqeeyaan Madaxweyne cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *