Uncategorized

Priyanka Chopra Oo Shaqsi Aan Cidna Filaneyn Gacanta Soo Qabsan Doonta Kana Qeybgeleysa Xafladda Abaalmarinta Oscars 2017

iftineducation.com – Atariishada caanka ah ee reer India Priyanka Chopra ayaa sii wadaneysa wacdaraha ay ka dhigeyso shirkadda aflaanta dalka Mareykanka ee Hollywood, waxaana la xaqiijiyey inay sannadkaan ka qeybgeli doonto xafladda The Academy Awards taasoo ah habeenka ugu weyn Hollywood.


Pee Cee ayaa barteeda Instagram ku xaqiijisay inay xafladdaan imaan doonto iyadoo gacanta ku dhagan heesaaga halyeeyga ah Mick Jagger, oo u dhashay dalka England, waxayna xafladdaani dhici doontaa Axada soo aadan.





Xiddigta musasalka Quantico ayaana daaha ka qaaday inay si weyn ugu faraxsan tahay inay gacanta soo qabsato Mick Jagger isla markaana ay xafladdaan la timaado.


Dhanka shaqada, Priyanka Chopra waxay Hollywood kusoo geli doontaa filimkeeda ugu horreeya ee Baywatch kaasoo uu Director ka yahay Seth Gordon isla markaana ay la hogaaminayaan xiddigaha Dwayne Johnson iyo Zac Efron.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *