Uncategorized

Maxkamadda Hargeysa oo la horgeeyay Xamdi Queen oo calanka Somalia xeran!!

iftineducation.com – Booliska magaalada Hargeysa ayaa maanta maxkamadda magaalada Hargeysa horgeeyay afartii fannaan ee kooxda Xiddigaha Geeska kuwaas oo lagu haysto safar ay dhawaan ku tageen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.


Fannaaniinta maanta maxkamadda kasoo hor muuqday ayaa waxay kala ahaayeen Nimcaan Hillaac, Xamda Queen, Maxamed Axmed Bakaal iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi, waxaana ay fanaaniintani isugu xirnaayeen labo iyo hal marka laga reebo Xamda oo iyadu aan jeebeysneyn.


Booliska ayaa maxkamdda horgeeyay oo caddeyn ahaan u cuskanayay sawirro ay fannaaniintani ku sawirnaayeen calanka Soomaaliya ee buluugga ah kuwaas oo qaarkood lagu farsameeyay barnaamijka sawirrada lagu jar-jaro ee loo yaqaan “photoshop”.


Xaakimka maxkamadda, ayaa booliskii waday afartan fannaan wuxuu ku wargeliyay in aanay u soo marin qabashada fanaaniintanii sharciga oo aanay ruqsad maxkamaddeed u heysan, sidaa darteed ay sharciga soo waafajiyaan.


Halkaan ka dhagayso:







Booliska ayaa go`aanka maxkamadda kaddib dib ula laabtay fannaaniinta oo xabsiga ku celiyay.Dhanka kale fannaaniin farabadan ayaa soo xaadiray maxkamaddii maanta, waxaana ay dhamaantood cambaareynayeen xarigga boolisku kula kacay fannaaniintani.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *