Uncategorized

Maxaad kala Socotaa hadal heynta ugu badan ee Shacabka magaalada Muqdisho ?

iftineducation.com – Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa si weyn looga hadal hayaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu wado in maalinta berito ah ka dhacdo xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.


Hadal heynta ugu badan ee shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta ah doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo bandowga labada maalin ee lagu soo rogay Magaalada.


Dadka Shacabka ah ayaa maanta si weyn u faaqidaya siyaasada gaar ahaan arinaha la xariira doorashada, waxa ayna dadku hadal hayaan Musharaxiinta ku tartameysa xilka Madaxwewynaha Soomaaliya iyo shaqsiga ay la rabaan shacabku in Madaxweyne noqdo.


Xaafadaha dhaxdooda gaar ahaan goobaha shaaha lagu cabo iyo goobo kale ay dadku isugu yimaadeen ayey aad u hadal hayaan doorashada Madaxweynaha iyo xirnaashiyaha wadooyinka magaalada Muqdisho.


Waxa ay sidoo kale dadku hadal hayaan xirnaashiyaha wadooyinka magaalada Muqdisho ee dhagxaanta iyo carada lagu xiray iyo goobaha qaar ee lasoo dhoobay ciidamo badan oo katirsan dowlada oo amaanka xaqiijinaya.


Shacabka magaalada Muqdisho ayaa inta badan hadal heyntoodu tahay in ay u baahan yihiin isbadal ku yimaada hogaanka dalka, waxa ayna dadku badi aaminsan yihiin in isbadal ku yimaada Hogaanka dalka uu keeni karo isbadal isna ku yimaada nolosha dadka.



Magaalada Muqdisho ayaa maalinta berito marti galineysa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana doorashadan ku tartami doona 23-Musharax oo isugu jira kuwa talada dalka horey usoo qabtay iyo siyaasiyiin cusub. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *