Uncategorized

Maxaa laga bartay Doorashadii Taariikhiga aheed ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo ?

iftineducation.com – Ololihii doorashada madaxtinnimada Soomaaliya iyo loollameyaashii tartamay iyo xildhibaannada baarlamaanka ee codeeyay iyo madaxweynihii hore oo aqbalay tirsigii looga badiyay ayaa dhammaantood ah isbeddel siiyaalku tixgelin doono oo waayo badan la xusuusnaan doono. Qaabkii ay doorashadii 8-da bisha labaad, 2017-ka, ay u dhacday baa ahaa mid si walba u qurxoonaa oo qaarad walba, dal walba, magaalo walba iyo tuulo walba oo Soomaalidu ku nooshahay dunida ay si aan la koobi karin ugu riyaaqeen. Waxaa hal mar cirka isku shareeray yididdiillada dadkeennu u qabay hoggaan wanaagsan iyo dimuquraaddiyad wacan intaba. 


Dhallinta oo ugu doorroonayd bulshada u hanqaltaageysay doorashada dareenkooduna aad u sarreeyay oo weliba si aan horay loo arag ugu kuurgalayay tartanka, isla markaas naawilayeen hoggaanka guulaystay gunaanadkii ayay doorashadu ugu muuqatay mid siyaalo badan uga duwanayd heerarkii/loollameyaashii/ololeyaashii hore, ayada oo ay markii hore liidatay filashadu sababo la xiriiray musuqmaasuqla baahiyay awgiis.


Lamafilaankii dhacay maalintaas waa uu ku yar yahay dunida saddexaad gaar ahaan Afrika. Waxa uu Soomaaliya geliyay safka hore marka loo eego hannaanka dimuquraaddiyadda dunida soo koraysa. Tobanleyaal gu’aad oo iin iyo aafo miiran leh baa hal mar isu rogay dharaaar bilicsan oo, ugu yaraan, la iloobay dhibkii iyo dhimashadii. 


Isbeddelka sidaas ah culays weyn ayuu saarayaa madaxweynaha cusub oo badinayaa cadowgiisa, sababta oo ah damiirlaaweyaashii danaha gurracan lahaa oo isugu jiray sokeeye iyo shisheeye aan u turayn dalka iyo dadka oo ay riyada rumowday aydin ku tahay, waa col mar walba oogan oo fiiro iyo feejignaan gaar ahmudan. Haddii kale hog ayay gelaysaa yididdiillada dadkeenna.


Arrimaha Soomaaliya ku gedaaman,oo hawl badan sugayso, waa laga miro dhalin karaa yoolka ah in dalku caadi ku soo noqdo oo dadku nolol helo. Farogelinta dalalka deriska ah waxa ay tebaysaa in lagu xalliyo habraaca diblomaasiyadda iyo firfircooni joogtaysan oo umuujiyaya in Soomaaliya oo cagaheeda ku istaagta aysan waxyeello u gaysan doonin nabad sugiddooda. 


Goor walba siyaasadda dalku waa in ay tixraacayso sixidda qaladaadkii hore soo na afjarayso wixii isafgaranwaa ah oo jira si loo tirtiro tuhun wixii jira—xataa haddii ay u baahato guddi heer qaran ah oo si joogto ah ugu hawlan samaynta/soocelinta xiriir togan. Garashada hagaagsan waxa ay tilmaamaysaa in inta uu jiro tuhun u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka la deriska ah ay adag tahay in dalku saldhigto. Dabcan Soomaaliya ma ay dooran karto deriska ay leedahay balse qaabka ay deriskaas u la dhaqanto ayay dooran kartaaxumaan iyo samaan.


Jeer aan hawshaas sida cad u muuqata lagu dhaqaaqin, in goor dambe laga cawdo farogelin shisheeyeed waxba ma tarayso—waa gedda Soomaalida in arrin la dhayalsado marka ay waxqabad mudan tahay hadhoow se goor dambe la calaacalo. In meel walba la la taagnaado dal hebel baa na burburiyay ama nabad noo diiday ayadu na waxba ma tarayso. Isla mar ahaantaas waa ay suurowdaa marka shaqadaas loo xilsaaro dad waayo’aragnimo leh in heshiis wacan la la yeesho dalalkaas oo ay dhammaato isximintu. 


Kooxaha xagjirka ah oo sababay galtiga/soogelootiga waageeniga, waxa ay goor kasta diiradda saaraan oo abbaaraan dadka inta ugu aqoonyar oo ugu saboolsan, markaas cududda ugu weyn oo lagu la dagaallami karo waa waxbarashada dalka oo la tayeeyo oo runtii ah halis ka ag dhow nabad sugidda dalka. Dhaqaale darridii bilowday dagaallada sokeeyeed waxaa la talantaalli ahaa oo sii raajiyey jahliga faafay oo dhaqan galay oo Soomaalida nolosha la wadaagay gude iyo debedba. 



Shacbiyadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo yididdillada dadweynaha oo dhinac ah iyo waxyaalihii laga bartay laylis ahaan dhibaatooyinkii dadku soomaray oo xalkooda lagu dhiirrado ayaa ah seeska laga bilaabi karo badbaadada isirka Soomaaliyeed. Sinnaanta, dhaqaalaha, arrimaha debedda, waxbarashada, iyo gebi ahaantood baahiyada jira haddii arrintu maanta joogto gorfaynta sidii waxa looga qaban lahaa waa guul!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *