Uncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wiil codsaday inuu la kulmo

iftineducation.com – Cabdullaahi Maxamuud Cusmaan (Daanyeeroow) oo kasoo jeedo magaalada Jowhar, xalay ayaa loo geeyey madaxweyne Farmaajo, ka dib markii uu codsaday in loo geeyo Madaxweynaha.


Waxaa la arkayay sawiro iyo muuqaalo muujinaya Madaxweynaha oo Gacan qaadaya C/laahi kaas oo safar dheer ka soo galay magaalada Jowhar oo 90-Km dhinaca waqooyi kaga began magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Cabdullaahi Daanyeeroow ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.


Ninkaan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay can ka noqday Baraha Bulshada ka dib markii la soo dhigay Muuqaal laga duubay oo uu ku dhahayo Ar Farmaajo ii geeya.



Tallaabadaan ayaa ah mid muhiim ah waxayna muujinaysaa taageerada loo haayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo sida uu asna kaga jawaabayo codsiga Bulshadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *