Uncategorized

Madaxweynaha Kenya iyo R/Wasaaraha Itoobiya oo goordhaw ka dhoofay Muqdisho

iftineducation.com – Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka dhoofay Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, kuwaa oo maanta u yimid Muqdisho ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo.


Uhuru Kenaytta iyo Hailemariam Desalegn ayaa kamid ahaa madaxdii maanta Muqdisho u timid ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxwynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxaana la fasaxay kahor inta aysan dhamana munaasabada caleemo saarka.




Labadan Hogaamiye oo Khudbado ka jeediyay munaasabada ayaa balan qaaday in ay la shaqeenayaan si weyna u taageerayaan dowlada cusub uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna tilmamaeen in Farmaajo uu yahay shaqsi Soomalaiya ka bixi kara xiligan adag.



Munaasabada Caleemo saarka Mdaxaweyne Farmaajo waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Madax kala duwan oo ka kala socotay in ka badan 100-wadan, waxa ayna Munaasabadan aheed mid si heer sare ah loo soo agaasimay .