Uncategorized

Hay’adda Youthprise oo bixisay lacag lagu horumarinayo Soomaalida Mareykanka (Video)

iftineducation.com – Hay’adda Deeqda bixisa ee Youthprise ayaa shaaca ka qaaday inay lacag gaareysa  700,000 (Todobo boqol oo kun) oo Dollar  siina doonto  Hay’addaha sama falka ee u adeega Somalida ku nool Mareykanka.

Youth prise oo ah Hay’ad  u dhaxeysa Hay’addaha deeqaha bixiya ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowlada  ayaa maamusha deeqo kala duwan oo loogu talo galay taageerada caafimaadka iyo hurmarinta dhalinyarada Minnesota.
Talafishinka Caalamka ah ee Universal ayaa ogaaday in qarashka ay Hay’addani ku maalgaliso  mashaariicda dhalinyarada uu gaarayo $5.4 million (5,400,000) oo dollar sanadkiiba.
Deeqahaan oo uu suurta galiyay Aqalka looga taliyo gobolkaan  ama Baarlamaanka Minnesota ayaa la soo mariyay Wasaarada dhaqaalaha iyo horumarinta shaqaalaha ee loo soo gaabiyo DEED.
Hay’adda Youthprise  oo leh taariikh dheer oo ku aadan taageerada Ururada u adeega dhalinyarada ka yimid bariga Afrika oo ay ugu horeeyaan Soomaalida ayaa balanqaaday inay dhiseyso tayada Uruaradaan ayna ku dadaali doonto inay guuleestaan dhalinyaradaani.
Si kastoo ay ahaataba Hay’adda Youthprise ayaa afartii sano ee la soo dhaafay ku qarash gareysay Ururada ay Soomaalidu maamulaan iyo arimaha dhaqanka Jaaliyada Soomaalida Aduun lacageed oo gaaraya 1.1  million oo ah Dollarka Mareykanka.
Lama oga saameynta uu maamulka cusubi ku yeelan doono deeqahaan muhiimka ah ee u baxaya sidii loogu talo galay, waxaase hubanti ah inay jiraan Soomaali badan oo abaal ka haya wanaaga ay sameysay Hay’adaani.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *