Uncategorized

Go’aankii xayiraada socdaalka ee uu soo rogay Trump oo mar kale jab la kulmay

iftineducation.com – Maxkamada federaalka darajada sagaalaad ee racfaanka Mareykanka ayaa diiday amarkii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uga mamnuucay qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda 7 wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka ineey soo galaan Mareykanka.


Guddi ka koobnaa saddex garsoore oo ka tirsan Maxkamada federaaliga ee Racfaanka ee magaalada San Francisco ayaa si wadajir ah u diiday racfaan ay Waaxda Caddaalada Mareykanka ka qaadatay todobaadki hore go’aanki garsooraha maxkamada Seattle James Robart uu ku hakiyey go’aankii madaxweynaha.


“Waxaan isku arki doonnaa maxkamada, amniga wadankeena wuxuu ku jiraa khatar, ugu dambeyna kiiska anagaaa ku guuleysan doona” ayuu yiri madaxweyne Trump Hadal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka


Dhanka kalana, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka Washington, Bob Ferguson ayaa shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Seattle wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu yahay dal leh sharci, qaanuunkana uu qabto dhamaan dadka oo dhan oo uu ku jiro Madaxweynaha.



Codaynta maxkamadda oo si qarsoodi ah u dhacday ayaa lagu sheegay in dawladdu aysan cadayn u keenin halista argagixiso ee ay xayiraadda socdaalka ku banaysatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *