Uncategorized

Filimka Kaabil Iyo Mudo Sedex Todobaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

iftineducation.com –  Hrithik Roshan iyo Yami Gautam filimkooda Kaabil ayaa u suura gashay inuu todobaadkiisa sedexaad soo xareeyo 4.10 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India shaaca ka qaaday ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.


Kaabil todobaadkiisa sedexaad si wacan ayuu Boxoffice-ka kaga awood badiyay filimka Raees iyo todobaadkiisa labaad balse todobaadkii kowaad ayaa si weyn loo garaacay waana mida keentay in farqi ahaan labadaan aad u kala lacag badan yihiin.


Kaabil mudo sedex todobaad ah wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 86.50 Crore (Trade Figure) sidoo kalena cimri ahaantiisa wuxuu ku istaagi doonaa 87.50 Crore waxaa intaas u dheer in saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyeen filimkaan ka heli doonaan 42 Crore (Ditsributor’s share).


Fadlan hoos kaga bogo mudo sedex todobaad ah filimka Kaabil lacagaha uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay:


Todobaadka kowaad – 65.74 Crore


Todobaadka labaad – 16.66 Crore


Todobaadka sedexaad – 4.10 Crore


Wadarta Guud – 86.50 Crore (Trade Figure)



Kaabil sidoo kale qaybtiisa Af Tamil iyo Telugu lagu daawaday wuxuu ganacsi ahaan sameeyay ama laga helay 3 Crore taasi oo ka dhigan in filimkaan ganacigiisa guud ee gudaha Hindiya inuu haatan maraayo 89.50 Crore (All India Business).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *