Uncategorized

Farmaajo oo Mideeyay Shacabka iyo Ciidamada Dowlada ee kala cabsan jiray (Sawirro)

iftineducation.com – Guusha uu gaaray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u muuqata mid mideesay guud ahaan Umada Soomaaliyeed ,kuwaa oo si weyn ugu soo banaan baxay uguna dabaal degay Guusha uu gaaray Wadaniga Soomaaliyeed.


Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale guusha uu gaaray waxa ay horseeday in ay is dhax galaan iskuna soo dhawaadaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho iyo Ciidamada qalabka sida oo markii hore kala didsanaa ama kala baqan jiray.


Gaadiidka Ciidanka Dowlada gaar ahaan kuwa Cabdi Billaha loo yaqaan iyo gaadiidka kale ay wataan Madaxda dowlada ee Qooqanada ayaa xalay ilaa maanta waxaa dusha sare ka saarnaa shacabka Soomaaliyeed ee usoo banaan baxay guusha Farmaajo.


Ciidamada Dowlada ayaa la arkayay iyaga oo dhaxda ka galay shacabka Soomaaliyeed lana qadeenaya sidoo kale sawiro la galaya, Ciidamada qaar ayaana si kalsooni leh mararka qaar hubkooda shacabka gaar ahaan gabdhaha ugu dhiibay si ay sawiro ugu galaan.







Madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa la rajeenayaa in uu horseed u noqon doona in ay midoobaan guud ahaan Umada Soomaaliyeed sidoo kale kalsooni soo kala dhax gasho shacabka iyo Ciidanka qalabka sida si ay amaanka uga wada shaqeeyaan.


      

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *