Uncategorized

Farmaajo iyo Geelle oo si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Safaarada Jabuuti ee Muqdisho (Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Safaarada Jabuuti ka dhisaneyso magaalada Muqdisho.


Labada Madaxweyne ayaa kahor munaasabada Caleemo saarka waxa ay si wadajir ah u dhagax dhigeen Dhismaha cusub ee Safaarada Jabuuti oo laga dhisayo meel ku dhaw xeebta Liido ee magaalada Muqdisho .


Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa magaalada Muqdisho u yimid in uu ka qeyb galo caleemo saarka Madaxweyna cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo, waxa uu sidoo kale fursad u helay in uu dhagax dhigo Safaarda Jabuuti ee Muqdisho.





Safaarada Jabuuti ee magaalada Muqdisho ayaa mudo sanado ah ku shaqeeneysay dhismo kuyaala meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la filayaa marka ay dhamaato dhisamaha in safaarada ay halkaasi ka shaqeyso.






Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *