Uncategorized

Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo Bilaawday Bixinta Mushaarka Ciidanka Qalabka sida.

iftineducation.com – Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu amar ku bixiyay in mushaaraadka la siiyo ciidanka dowlada Soomaaliya oo mudo 8-bilood ah qaarkood wax mushaaraad ah.


Shalay ayay ahayd markii ciidanka booliiska Soomaaliya ay qaateen mushaarkii ugu horeeyay ay helaan mudo 8-bilood ah, waxaana mushaarka la siiyay ciidanka booliiska uu yahay hal bil oo kaliya, waxaana wali ka maqan ciidanka mushaar iyo xaquuqo kale oo ay lahaayeen.


Mushaarka ciidanka booliiska Soomaaliya waxaa qahyb kamid ah bixiya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada(UNDP), mushaarka hada la siiyay ciidanka booliiska ayaa ahaa kan ay bixiso dowlada Federaalka ee Soomaaliya.





Saraakiisha ciidanka booliiska ayaa soo dhaweeyay bixinta mushaaraadka ciidanka booliiska, waxa ayna muujiyeen in rajo wey ay ka qabaan inay si joogto ah u helaan Mushaarkooda maadama la doortay Madaxweyne Farmaajo oo looga bartay taageerida ciidanka qalabka sida.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *