Uncategorized

Dowlada Burundi oo ciidamo cusub u dirtay Muqdisho

iftineducation.com – Dowladda Burundi ayaa ciidamo cusub geysay Soomaaliya, kuwaas oo badali doona kuwa hadda ka joogo.


Ciidamadaas ayaa gaaray magaalada Muqdisho shalay, waxayna badalayaan guutada 34-aad ee Burundi ka joogay Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay.


Guutada cusub oo ah midda 40-naad ee ciidamada difaaca Burundi, oo AMISOM ka mid ah ayaa howlgallo cusub ka billaabi doono Soomaaliya, sida AMISOM ay sheegtay.









Taliyaha ciidamada cusub oo shalay markii Muqdisho ay gaareen hadlay ayaa tilmaamay inay ciidamadan ay gacan ka geysan doonaan xasillinta Soomaaliya.


Gaashaanle Leonidas Nsingirankabo, wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin howl cusub inay Soomaaliya ka qabtaan.


“Ciidamadeyda waxay diyaar u yihiin shaqada ka horeysa iyo sii waadidda xasilinta Soomaaliya. Waxaan ku shaqeyndoonnaa xeerarka caalamiga ah iyo anshax si aan guul uga gaarno dagaalka”, ayuu yiri gaashaanle Nsingirankabo.


Ciidamada hadda la badalayo waxay xarumo ku lahaayeen Jowhar. Howshoodana waxay ahayd nabad ilaalin.


Tallaabadan ayaa imaaneyso ayadoo Burundi ay dhowaan ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala bexeyso Soomaaliya.



Waxay sheegtay in mushaar aysan helin bilihii ugu dambeeyay, ka dib markii dalalkii deeqda bixinayay ay dhaqaalaha yareeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *