Uncategorized

Daawo Sawirada: Nin Brtish ah oo laga soo daayay Xabsiga Guwatanamo Bay oo Weerar Ismiidaamin ah geestay

iftineducation.com – Warbaahinta Britain ayaa baahisay nin u dhashay Britan oo horey uga mid ahaa Kooxda Al Qaacida uu fuliyay weerar ismiidaamin ah oo isbuucii hore lagu weeraray Saldhig Milliteri oo ku yaalla magaalladda Mosul ee Waqooyiga dalka Iraq.


Abu Zakariya Al-Britani oo heestay dhalashada dalka Britain ayaa laga soo daayay xabsiga Guwatanamo Bay sanadii 2004-tii, waxaana ninkan ku eedeesanaa in uu xubin ka ahaa kooxda Al Qaacida.


Sida ay baahiyeen Warbaahinta Britan ninkan Britishka ah ee isku qarxiyay magaalada Mosul ayaa laga soo daayay xabsiga Guwatanamo, waxaana soo deesmada ninkan dadaal badan u gashay Dowlada Brotain.



Abu Zakariya Al-Britani ayaa Idaacada BBC-da waxa ay sheegtay in magaciisa hore uu ahaa Ronald Fidler., balse markii dambe magaciisa badashay kuna biiray kooxaha loogu yeero argagaxisada caalamiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *