Uncategorized

Daawo Sawirada: Hoolka lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la diyaariyay

iftineducation.com – Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diyaariyay hoolka loogu tala galay in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo lagu wado in la doorto 8-da bishan Febraayo.


Doorashada ayaa lagu qabanayaa hool weyn oo kuyaala saldhigii ciidamada cirka Soomaaliyeed ee Afisiyooni, waxaana maanta halkaasi gaaray xubno kamid ah Guddiga Doorashada kuwaa oo soo indho indheeyay.


Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray ciidamo badana la dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana aad u yar dhaq dhaqaaqa dadka shacabka ee isticmaalaya laamiyada waa wewyn.



Doorashada Soomaaliya ayaa sanadkan ka duwan doorashadii horey uga dhacday Muqdisho sanadii 2012-kii , waxaana doorashadan ay noqotay mid ay dadku sugi la yihiin ayna si weyn uga dhursugayaan natiijada kasoo bixi doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *