Uncategorized

Daawo Sawirada: Baarlamaanka Isra’il oo meel mariyay Sharci muran badan abuuray

iftineducation.com – Baarlamaanka Maamulka Isrta’il ayaa meel mariyay sharci dad badan ka careesiiyay murana abuuray, kadib markii ay ogolaadeen Maamulka in 4,000 oo guri si xoog ah looga dhiso Daanta Galbeed oo ah dhul ay leeyihiin Falastiiniyiin.


Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Isra’il ayaa cod loogu qaadayay qorshahan guryaha loogu dhisayay dadka Yahuuda, waxaana 60-Xildhibaan u codeeyeen dhaqan galinta sharcigan halka 52-Xildhibaan kalana ay kasoo horjeesteen.


Maamulka Isra’il ayaa qorsheenaya in dadkii lahaa dhulka loo dhisayo dadka Yahuuda in la siiyo lacago magdhaw ah ama boosas kale laga siiyo goobo kale, waxaa sidoo kale dadka qaar loo adeegsanayaa awood.



Yahuuda Isra’il ayaa wali wada dhul boobka ay ku heesto dhulka ay leeyihiin Falastiiniyiinta, waxaana arimahan si weyn uga soo horjeestay Ururo iyo wadamo badan oo caalamka katirsan oo ku cambaareeyay boobka ay Yahuuda wado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *