Uncategorized

Daawo Sawirada: Askarigii sababta u ahaa in la qabto gaarigii maanta ku qarxay Muqdisho oo ….

iftineducation.com – Waxaa maanta agagaarka Ex-Contarool Afgooye ee Degmada Dayniile ka dhacay qarax laga soo buuxiyay gaari nuuciisu ahaa Surf, waxaana qaraxan ka dhashay qasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.


Gaariga ku qarxay Degmada Dayniile ayaa la sheegay in uu ahaa gaari saakay weerar ka geestay Degmada Boondhoore ee gobolka Banaadir, waxaana gaariga ay saarnaaa dabley hubeesan oo doonayay in ay ku baxsadaan.


Askari katirsanaa ciidanka amaanka Degmada Dayniile ayaa si deg deg ah ugu soo baxay gaariga qarxay oo xiigaasi bucaad ka galay ragii watayna ay halkaasi kaga carareen garaiga iyo qoryo saarnaa, waxaana askariga uu si deg deg ah ugu war galiyay dhacdadaasi Gudoomiyaha Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo si deg deg ah kusoo gaaray halka gaariga looga cararay




Gaariga ayaa si lama filaan ah ugu qarxay goobtii uu yaalay xili ay ciidamada amaanka baaritaan ku wadeen, waxaana qaraxaasi uu dhaawacyo kasoo gaaray afar askari uu ku jiro askarigii sababta u ahaa in gaarigaasi gacanta lagu dhigo .


Gudoomiyaha Degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa caawa isbitaal kuyaala Muqdisho ku booqday dhaawaca askarigii sababta u ahaa fashilinta qaraxaasi iyo in garaiga la qabto oo lagu magacaabo Cabdulqaadir maxamed xuseen (Daadir) 


Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaawaca askariga uusan aheyn mid daran , waxa uuna balan qaaday in uu bixinayo qarashaadka ku baxaya daaweynta iyo daryeelka askarigan dhaawacmay isaga oo dadkiisa u adeegaya, waxa uuna ilaah uga baryay in caafimaad deg deg ah siiyo askarigan iyo askarta kale ee dhaawacantay ,





Ciidanka Amaanka Degmada Dayniile ayaa lagu amaanay feejignaanta ay ku jireen iyo sida ay ugu guuleestay in ay qabtaan gaarigan weerarka ka geestay magaalada Muqdisho soona dhax maray Degmooyin badan oo katirsan gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *