Uncategorized

Daawo Muuqaal : Qaabkii loo dilay nin la dhashay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya

iftineducation.com – Booliiska dalka Maleysia iyo Khubaro ku hoolaneed baaritaanka sida uu u dhacay dilkii dhawaan garoon diyaaradeed loogu geestay Nin la dhashay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya oo lagu magacaabo Kim Jong-nam.

Muuqaalka lasoo bandhigay ayaa muujinaya sida uu dhacay dilkii loo geestay Kim Jong-nam, waxaana la arkayay Haweeney kamid ah kuwa ay hayaan ciidanka booliiska oo sun wajiga kaga shubeysa ninka la dhashay Madaxweynaha Waqooyoga Kuuriya.

Dilkan oo u muuqday shirqool lasoo agaasimay ayaa loo adeegsaday Sun, waxaana ninka la dhashay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya xiliga la weerararay lana sumeenayay ka dhoofayay garoon diyaaradeed oo kuyaala Caasimada dalka Malaysia.

Kiiska dilka loo geestay Ninka dhinaca aabaha walaalka ka yihiin Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ayaa loo xiray dhoor qof oo isugu jira rag iyo dumar oo u badan ajaaniib , waxaana dadkaasi ku socda baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ay dilkaasi lagu eedeeyay u fuliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *