Uncategorized

DAAWO: Buuq iyo Dagaal ka dhacay Baarlamaanka Koonfur Afrika

iftineducation.com –  DAAWO: Buuq iyo Dagaal ka dhacay Baarlamaanka Koonfur Afrika

Waxaa markale uu buuq iyo dagaal gacmaha la isula tegay uu ka dhacay baarlamaanka dalka Koonfur Afrika.
Xildhibaanada mucaaradka ee Xisbiga EFF oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Koofur Afrika iyo ciidamada ilaalada ayaa waxaa dhex maray dagaal gacan ka hadal ah, iyagoo isla dhacay feer, iyo faralaab, kaddib markii Mucaaradka ay ka horyimaadeen in khudbad uu Baarlamaanka ka hor jeediyo Madaxweynaha dalkaasi ee Jacob Zuma.
Madaxweynaha Koofur Afrika Mr Zuma ayaa isku dayay inuu hadalka bilaabo, laakiin Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku buuqay oo diiday inuu baarlamaanka ka hor hadlo.
Xildhibaanada mucaaradka ee Xisbiga EFF ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Zuma inuu yahay nin qaa’in ah oo tuug ah, waxayna ugu baaqeen inuu is casilo.
Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka EFF, Julius Malema oo wabaahinta kula hadlay banaanka hore ee Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay, in Madaxweyne Zuma uu yahay nin baarlamaanka madaxa ka haysta, isla markaana ay la degtay musuq maasuq iyo nin jecleysi.
Xisbiga mucaaradka ee EFF ayaa ah xisbi yar oo metela, ama laga soo doorto goobaha Xaafadaha isku raranta ah ee (Ghetto) ee dalka Koonfur afrika, Tan iyo markii ay xisbigani kuraasta badan heleen sanadkii 2014-kii, 


ayaa waxa ay ku caan baxeen inay carqaladeeyaan khudbadaha uu jeediyo madaxweynaha musuqmaasuqa ay ku eedeeyaan ee Jacob Zuma.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *