Uncategorized

Al Shabaab oo Shaacisay Magaca iyo Qabiilka uu ka soo Jeedo Ninkii Fuliyay Qaraxii Saldhiga Kulbiyoow

iftineducation.com – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo Qabiilka uu ka dhashay, wiil ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii qorsheysnaa ee Ismiidaaminta ee ay Shabaabku Jimcihii la soo dhaafay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose.


Al Shabaab ayaa magaca ninkaasi waxa ay ku sheegeen Feysal Yuusuf Aadan oo ahaa nin in muddo ah la shaqeyn jiray hogaamiyihii Al Shabaab ee Dulyadeyn oo Shabaabka u qaabilsanaa dagaal gelinta ciidamada, kaasi oo lagu dilay howlgal gaar ah oo ka dhacay deegaanada Jubbooyinka.


Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Ururka Al Shabaab ayaa laga sii daayay Wareysi maqal ah oo laga qaaday wiilkaasi, kaasi oo uu kaga hadlaayay taariiqdiisa, isaga oo sheegay in muddo dheer ah inuu xabsi ku jiray.



Shabaab waxa ay sheegeen in Feysal uu u dhashay Beesha Mareexaan, gaar ahaana ka soo jeeda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *