Uncategorized

XOG DEG DEG AH: Heshiis Qarsoodi ah oo dhexmaray Cosoble, Guuleed, Shariif Sh Axmed iyo C/raxmaan A/Shakuur?

iftineducation.com Wariyaasheena dhanka Siyaasadda ee Kusugan magaalada Muqdisho ayaa ogaaday in uu saacadihii ugu dambeeyey dhacay shir xasaasi ah oo dhexmaray Madaxweynayaasha HIRSHABEELLE, GALMUDUG iyo Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ka dhacay Hotelka City Place ee magaaada Muqdisho.





Shirkan oo Ilaalada iyo Xoghaymaha banaanka loo saaray waxaa joogay Xildhibaano taageersan labada Musharax, kana soo galay baarlamaanka labada dawlad gobaleed.





Waxaa diirada la saaray sidii loo taageeri lahaa musharax ka soo jeeda Beesha Hawiye oo aan aheyn Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama hadda sida muuqata usan Xasan heysan taageero uu kusoo laaban karro.


Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuu waxay sheegeen in ay haystaan taageerada Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah Jubbaland  & Puntland.


Waxay sheegeen in loo baahan yahay in beesha codkeeda la mideeyo, si looga hortago talaabo kasta oo ku timaada Isbedel siyaasadeed oo ku dhacdo hogaaminta Soomaaliya.


In Xildhibaanada beeshan ka soo jeeda la mideeyo codkooda, ayna doorashada soo saaraan Cabdifaax Geeseey ayaa lagu sheegay mid keeni karta in la helo halka loo socdo oo ah Madaxweyne-nimada Soomaaliya.



Ugu dambeyntii shirkan dhamaadkiisii waxaa ka soo baxay ila taageero Musharax ka soo jeeda beesha Hawiye, si ugu soo baxo Madaxtinimada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isla markaasna la raadiyo midow guud, iyadoo laga hortagayo talaabo kasta oo beesha ku waayi karto hogaaminta dawladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *