Uncategorized

Xeebta Liido oo lagu kala cararay & Dad dabaqyo kasoo booday

iftineducation.com – Wararka naga soo gaaraya Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Israsaaseyn xoogan ay halkaas ka dhacday.


Dadkii ku caweynayay goobta ayaa bilaabay kala carar iyo isjiirid kadib dagaal dhexmaray qaar kamid ah ilaalada Hotelka iyo ciidamo dowlada Soomaaliya katirsan.


Dad la hadlay saxaafada ayaa xaqiijiyay in dhacdadaan ay ka danbeysay kadib markii ilaalada hotelka Beach View iiyo hotel daris la ah ay rasaaseeyeen gaari ay la socdeen ciidamo katirsan DF Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugida.


Warka ayaa intaas ku daraya in gaariga ciidamada nabad sugida ay wateen uu iska dhega tiray inuu istaago markaas ayay ciidamada ilaalada hoteladaas rasaas ku fureen


Gaarigii ciidamada nabad sugida ayaa dhankiisa rasaas ku jawaabay, waxaana xabada ay socotay mudo daqiiqado ah.



Dadkii ku caweynayay xeebta liido ayaa umaleeyay in weerar lagu soo qaaday hotelka, waxaana halkaas ka dhacay kala carar.


Xaflad aroos oo sidoo kale goobta ka socotay ayaa dadkii ku sugnaa ay kala carareen, dadka qaar ayaana naftooda halis geliyay kadib markii ay dabaqa kasoo boodeen.


Waxaa xili danbe goobta gaaray ciidamo katirsan DF iyo saraakiil kuwaas oo dajiyay dadka isla markaana sheegay in  shil ay aheyd waxii dhacay.


Xeebta Liido waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay dad badan ku dhinteen, dadka ayaana mar walba ka feejigan weeraro kuwaas lamid ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *