Uncategorized

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka (Akhriso Magacyada Musharixiinta)

iftineducation.com – Waxaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Doorashada maanta ayaa ka adag tii shalay ka dhacday xarunta golaha shacabka ee lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana doorashada maanta ku tartamaya siyaasiyiin saameyn badan ku dhax leh Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Waxaa adag in la saadaaliyo shaqsiyaadka kusioo bixi kara labada kursi ee maanta loo tartamayo, waxaana kuraastan ku tartamaya in ka badan 15-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Gudoomoye kuxigeenka Koowaad waxaa u tartamaya Lix Musharax:


1-Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey


2-Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir


3-Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar


4-Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye


5-Xildhibaan Khalid Macow Cabdiqadir


6-Xihibaan Saciid Xuseen Ciid




Gudoomiye kuxigeenka labaad waxaa u tartamaya 


1-Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi


2-Mahad Cabdalla Cawad,


3-Burhaan Aden Cumar,


4-Cabdulahi Xusen Cali,


5-Cabdiweli Maxamed Qanyare,


6-Xuseen Cabdi Cilmi,


7-Cabdulahi Godax Barre,


8-Cilmi Maxamed Nuur,


9-Cabdiraxmaan Aden Ibarhim


10-Maryan Axmed Harun.



Doorashada maanta ayaa noqon doonta mid adag oon si fudud lagu kala badin, waxaana laga yabaa in doorashada Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka ay waqti badan qaataan maadaama musharixiin badan ku tartamayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *