Uncategorized

War Deg Deg Ah :Doorashadii Gudoomiye kuxigeenka Koowaad oo lagu guuleestay (Yaa kusoo baxay)

iftineducation.com – Waxaa hada soo dhamaatay tirinta codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kursigan ku tartamayay labada Musharax ee kala ah Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Faarax C/Qaadir.


Doorashadan oo aheed mid aad u adag ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Musharax Cabdiweli Ibraahim Muudey oo helay codad gaaraya 165-Cod halka Musharax Faarax C/Qaadir uu isna helay codad gaaraya 93-cod kaliya 


Shir Gudoonka KMG ayaa la filayaa in goordhaw si rasmi ah ugu dhawaaqaan Natiijada doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka , waxaana hada bilaabaneysa tirinta codadka doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad.



Waxii Warar ah ee kusoo kordha si toos ah ugula Soco Wararkayaga dambe Insha Allah