Uncategorized

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo dhaqaalihii ugu badnaa ugu deeqday dadka abaaruhu saameeyeen (Daawo Sawirro)

iftineducation.com – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ayaa shaacisay iney dhaqaale fara badan ugu deeqday dadka abaaruhu ku sameeyeen gobolada dalka qaarkood.


Guddoomiyaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Axmed Maxamed Yuusuf oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkaddu ay kaalinteeda ka qaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu ay saameeyeen.


“Ka dib markii shirkaddu aragtay abaaraha ba’an ee dalka ka jira, webiyadii ay qalaleen, beerihii ay waraab la’aan soo wajahday, xoolihii iyo dadkii la joogayna ay biyo iyo baad la’aan u dhimanayaan ayaa waxay go’aansatay iney ugu deeqdo dadkaas dhibaateysan lacag gaareysa $600,000 (lix boqol oo kun oo dollar)” ayuu yiri gudoomiyaha shirkada Hormuud oo intaa ku daray in gargaarkaas qeybintiisa loo xilsaaray heyadda Hormuud Telecom Foundation si ay u gaarsiiso dadkii u baahnaa.


Axmed Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada sida ganacsatada qurba joogta iyo dadka kale ee ILAAHAY wax siiyey iney gargaar u fidiyaan dadka walaalahood ah ee abaaruhu ay ku saameeyeen gobolada dalka oo uu xusay iney ku jiraan xaalad adag.


Guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation C/llaahi Nuur Cismaan oo isna munaasabaas ka hadlay ayaa sheegay iney gudoomiyaha Hormuud ka guddoomeen deeqda lacageed ee Shirkaddu ugu talo gashay gurmadka abaaraha, isagoo balan-qaaday iney gaarsiin doonaan dadkii loogu talo galay. 


“Hormuud sida horeyba looga bartay waxay u taagan tahay inay dadka Soomaaliyed la qeybsato marxalad iyo culeys kasta, ma’aha heyad kheyri ah ee waa shirkad ganacsi, ujeedada aan kaalmooyinka iyo mashaariicda ugu sameyneyno dadka dhibaateysana waxay tahay in faa’iidada shirkadu hesho qeyb ka mid ay dib ugu celiso bulshada gaar ahaan kuwa dhibaateysan” ayuu yiri C/llaahi Nuur Cismaan oo intaa ku daray in deeqdan ay biyo baadba ku gaarsiin doonaan degaanada ugu daran ee laga soo sheegayo abaaraha.







Deeqdan lacageed ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud u qoondeysay dadka abaaruhu ku saameeyeen gobolada dalka ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee loogu deeqo dadkaas dhibaateysan si gargaar loogu gaarsiiyo, waxaana talaabada hormuud soo dhoweeyey bulshada soomaaliyeed oo ku tilmaamay talaabo ku dayasho mudan. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *