Uncategorized

Madaxweynihii hore ee Gambia Yaxya Jammeh oo gaaray dalka Equatorial Guinea

iftineducation.com – Madaxweynihii hore ee Gambia ayaa gaaray dalka Equatorial Guinea ka dib markuu isaga baxay dalkaas, si shaqada uu ula wareego madaxweynaha cusub.
Madaxweynihii hore ee Gambia Yaxya jammeh oo dalka ka baxay ka dib heshiis iyo cadaadis ay saareen dalalka galbeedka Afrika ayaa hadda gaaray dalkii uu ku socday.


Wuxuu Equatorial Guinea ku ahaan doonaa dibad joog aan dalkiisa dib ugu noqon karin.

Wuxuu dalka ka baxay ka dib heshiis ahaa in madaxweynaha cusub Adama Barrow uu xilka la wareego.





Barrow ayaa ku guuleystay doorashadii bishii December ka dhacdaay Gambia.


Waxaa ku qalqaaliyay Jammeh inuu dalka ka baxo urur goboleedka ECOWAS.


Xaaladda magaalada Banjul ayaa hadda caadi ku soo noqtay, waxaana dib u furmay ganacsiga.
Dalalkaas ayaa diyaariyay ciidamo xoog uga qaada xilka jammeh haddii uu isku sii dhejin lahaa kursiga.

Jammeh ayaa markii hore ogolaaday in doorashada looga adkaaday, balse dib ayuu ka diiday, wuxuuna isku deyay inuu maxkamad geeyo si dib loogu noqdo codeynta.


ECOWAS waxay hadda sheegeysaa in ciidamada halkaaas la geeyay ay sii joogi doonaan xuduuda illaa amniga ay ka xaqiijinayaan.

Mr Barrow waxaa la filayaa inuu dalka dib ugu noqdo, haddana wuxuu weli ku sugan yahay Senegal.


Ciidammada wadammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii milateri ee ay doonayeen inay ku farageliyaan dalkaasi.
Ciidamadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar un kaddib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow , Waxaana Adama Barrow lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.
In sidaas uu ku tago Jammeh waxaa diidan ururada u dooda xuquuqda aadanaha oo ku eedeynaaya inuu tacadiyo geystay.

Waxay doonayaan in cadaaladda la horgeeyo, si loogu oogo dembiyada loo haysto.
Waxay ku eedeynayaan inuu, xarig, jirdil iyo dil lagula kacay siyaasiyiintii mucaaraday maamulkiisii 22-sano jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *