Uncategorized

ka hortagida uur inaad yeelato

iftineducation.com – Ka hortagga uurka – sidee ayaa looga hor tegi karaa in uur la qaado

Dhammaan aaladaha ka hor tagga uurku waxay kaa ilaalinayaan in aad qaaddo uur aadan doonayn. Kondhomtu waxay kaloo dheertahay in ay cudurradana kaa ilaalineyso. Wiilasha marka la eego fursadda keliya ee u bannaan weil waa kondhomta. Laakiin gabdhuhu fursado badan oo ay kala dooran karaan ayay haystaan.

Mas’uuliyadda is ilaalinta waa mid la wadaago

Ragga iyo dumarka labadaba mas’uuliyad ayaa ka saaran in ay iska ilaaliyaan uurka aan ladoonayn iyo cudurrada galmada – kuwaas oo loola jeedo infakshannada galmada laysugu gudbiyo.

Uur ka hor tegid ikhtiyaar loo doortay

Uur ka hor tegid ikhtiyaar loo doortay waxaa loola jeedaa in ay gabdhuhu iskood u doortaan aaladaha uurka looga hor tago midda ay isticmaalayaan. Lammaanahooda, waalidka ama dadka kale ma go’aamin karaan aaladaha ka hor tagga uurka ee ay isticmaalayaan iyo in ay isticmaalayaan iyo in kale toona.

Yaa kaala talin kara nooca ka hor tagga ah ee aad dooranayso?

Waxaa muhiim ah in aqoon loo leeyahay aaladaha ka hor tagga ee kala duwan si doorasho wanaagsan loo sameeyo. Dhakhtar, kalkaaliso caafimaad ama ummuliso ayaa ku siin karta warbixinta aad u baahan tahay si aad doorasho sax ah u samayso. Waxaa iyaga saaran waajib xogqarin – taas oo loola jeedo in aanay cid kale u sheegeyn waxa aad ka wada hadashaan. Marka uu qofku helo hab uur ka hor tag oo ku habboon oo qofku ammaan ku dareemayo, waxay taasi gacan ka geysanaysaa nolol galmo oo wanaagsan iyada oo aan welwel laga qabin in la qaado uur aan lagu tala gelin. Shaqaalaha caafimaadku waxay wax kaa weydiin doonaan caafimaadkaaga iyo qaab-nololeedkaaga, caafimaadka qoyskiinna waxayna cabbiri doonaan cadaadiska dhiiggaaga. Waalidkaa weydii in ay jiraan dad qoyskiinna soke ah oo uu ku dhacay xinjir-xiran (blodpropp) ka hor intaysan gaarin 45 sano. Haddii aad su’aalaha uga jawaabto si daacad ah waxaa markaa lagaa caawinayaa doorashada aalad uurka looga hor tago oo aan wax khatar ah oo xagga caafimaadka ah kuu keenayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *