Uncategorized

Jose Mourinho Oo La Waydiiyey Haddii Gabadhiisa Ay Jaceyl Xad Dhaaf Ah U Qaaday Mid Kamid Ah Ciyaartooyda Manchester United!

iftineducation.com – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey wararka sheegaya in gabadha Macalin Jose Mourinho Ay Jaceyl Xad Dhaaf Ah U Qaaday Mid kamid ah Xiddigaha

Mid kamid ah wariyayaashii ku sugnaa garoonka Old Traford ayaa kulankii ay United guusha weyn ka gaartay Sunderland kadib wayeydiyey waxa ka jiro  warka sheegaya in gabadhiisa ay jeclaatay  Jesse Lingard.

Mourinho oo dhoola cadddenayo ayaa ku yiri: ” Su,aashas waxaa fiicneyd inaad waydiiso dadka is jecel ee aad sheegeyso, aniga waxaad wax iga waydiisaa kulankaan iyo natiijada fiican oo ay gaartay kooxdeeda United”.

Wariyaha ayaa markaas kadib bilaabay inuu su,aalo kale waydiiyo maadama Mourinho uu yahay macalin inta badan su,aalaha ay waydiiyaan wariyaasha aanan ka jawaabin isagoo mar kasta kusoo celceliyo (No Comment).



Haddana LInkigaan hoose ayaad ka aqrisan kartaa warbixintii hore ee ka hadleysay inay gabadhaa jaceyl u qaaday Lindgard.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *