Uncategorized

Ilmo la’aanta dumarka iyo ragga oo ku badatay koonfurta Yurub ayay sheegtay warbixin cusub

iftineducation.com – Dumarka ku nool Yrub ayaa yeelanaya ilmo yar , gaar haan kuwa ku nool koonfurta Yurub ayay sheegtay warbixin uu soo saaray Faransiiska.
Inka badan 20% dumarkii dhasay 1970- yadii ayaa ah ilmo la’aan ahaan kara, marka la barbar dhogo 15% waqooyiga Yurub iyo 18% galbeedka Yurub.
Sababaha ay ka midka yihiin suuqyada shaqada iyo shaqooyinka oo aan lahayn siyaasado u fiican dadka reerka leh ayaa ugu sabab ah ilmo la’aanta kordhaysa
Laakiin warbixinta ayaa sheegtay in ilmo la’aanta ay sidoo kale aad u badnayd hal qarni ka hor.
17-25% dumarka dhashay tobankii sano ee ugu horeeyay qarnigii 20-naad ayaa ahaa ilmo la’aan. Sababaha ayaa waxaa ka mid ahaa niman badan oo ku dhintay dagaalkii koowaad ee adduunka, saamayntii hoos u dhacii dhaqaale ee xumaa ee 1929 iyo dhalinyaro niman ah oo waddamada saboolka.
Dumar yar ayaa qorsheeya inaysan ilmo dhalin, laakiin xaalada ay ku jiraan darteed ayay dib u dhigtaan inay ilmo dhalaan kadibna waqtiga ayaa ku dhamaada.



Ilmo la ‘aanta ayaa sidoo kale sii kordhi doonta bartama iyo bariga Yurub ayay warbixinta sheegtay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *