Uncategorized

Gabon-tii martida loo ahaa oo ka hartay Koobka Afrika

iftineducation.com – Kulanka xalay dhexmaray Gabon iyo Kaameruun ayaa ahaa mid xiisi badan, iyadoo dalka tartanka martigelinayay uu ku rajo weynaa in uu u gudbo rubux dhammaadka.


Balse in kastoo dadaal dheeri ah ay sameeyeen ciyaartooyda Gabon, gaar ahaan laacibka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haddana waxaa u suurageli weyday in ay wax gool ah dhaliyaan.


Aubameyang oo u dheela kooxda Borussia Dortmund ee Jarmalka ayaa waxa uu ka mid yahay weeraryahannada xilligan ugu wanaagsan qaaradda Afrika.


Xulka Gabon ayaa hadda ku biiraya xulalka Tunisia, Ivory Coast iyo Itoobiya kuwaas oo u gudbi waayay rubuc dhammaadka Koobka Qaramada Afrika xilli ay martigelinayeen.


Ciyaarta xalay ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqday goolyaha Kaameruun, Fabrice Ondoa kaas oo wacadaro soo bandhigay.





Xulalka hadda u gudbay rubuc dhammaadka Koobka Qaramada Afrika ee 2017ka ayaa kala ah:
Senegal, Kaameruun, Ghana iyo Burkina Faso
Caawana waxaa dhici doona laba kulan oo ay isku arkayaan
Senegal iyo Algeria
Zimbabwe iyo Tunisia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *