Uncategorized

Filimka Raees Iyo Mudo Labo Maalmood Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

iftineducation.com – Bollywood King Khan filimkiisa Raees wuxuu siweyn kaga faa’iideestay fasixii shalay gudaha Hindiya ka jiray madaama filimkaan ganacsi wacan uu sameeyay maalintiisa labaad.


Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Raees maalintiisa labaad wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 26.25 Crore (Trade Figure) sida ay kasoo xigteen kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.


Sidoo kale kooxda filimka Raees iska leh iyagana dhankooda waxay shaaca ka qaadeen in filimkaan maalintiisa labaad uu keenay 26.30 Crore (Producer Figure).


Waana arin wanaagsan madaama uusan jirin farqi muuqdo oo u dhaxeeyo lacagaha ay labada dhinac baahiyeen filimka Raees inuu keenay.


Raees si rasmi ah wuxuu u noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo maalinta Jamhuuriga Hindiya asigoo dhaafay lacagihii uu keenay filimka Jai Hao sanadii 2014 markii isla maalintaan oo kale la daawaday.


Weliba filimka Raees asigoo isku dhac xoogan kala kulmay maalintiisa labaad filimka Kaabil ayuu ganacsi sare sameeyay sidoo kalena sare u kac 30% sameeyay maalintiisa labaad.


Wadarta labo maalmood filimka Raees lacagihiisa waxay sii marayaan 46.50 Crore (Trade Figure) waana lacag aad u wanaagsan wuxuuna siweyn ugu wanaagsan Mumbai iyo West Bengal halka uu ku yara liito Delhi iyo East Punjab.


Fadlan hoos kaga bogo mudo labo maalmood lacagaha uu Raees keenay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladah qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh:


Arbaco – 20.25 Crore


Khamiis – 26.25 Crore


Wadarta Guud – 46.50 Crore (Trade Figure)


Sidoo kale hoos kaga bogo aqriste kooxda filimka Raees iska leh mudo labo maalmood lacagaha ay shaaca ka qaadeen inuu filimkaan keenay:


Arbaco – 20.42 Crore


Khamiis – 26.30 Crore


Wadarta Guud – 46.72 Crore (Producer Figure)


Lacagaha ay labada dhinac tabinayaan inuu Raees keenay kaliya waxaa u dhaxeeyo 22 Lakh mana ahan wax weyn oo farqi ah waana arin aad u wanaagsan oo yareen karto wax muran ah inuu ka dhaco lacagaha Raees keenay labadiisa maalmood ee ugu horeyso.


Filimka Raees ganacsiga uu sameeyo maanta oo Jimco ah ayaa laga ogaan doonaa halka uu hiigsan doono balse waa qasab inuusan hoos u dhac weyn sameynin.



Raees waxaa la filaa in maanta oo Jimco ah lacagaha ugu yar uu keeno marka lala bar bar dhigo labadiisa maalmood ee ugu horeesay balse hoos u dhac weyn lama rabo ayadoo filimkaan lagu kalsoon yahay in maal maha sabtiga iyo axada inuu ganacsi wacan sameyn karo si 5-maalmood ee ugu horeyso uu 100 Crore u gaaro oo ah hadafka kowaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *