Uncategorized

Faahfaahinta weerarkii Muqdisho ka dhacay

iftineducation.com – Qaraxyo iyo is-rasaaseyn saaka ka dhacday huteelka Dayax ee ku yaalla magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Agaasimaha Baabuurta Gurmadka deg-degga ee Aamin, Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan, ayaa BBC u sheegay in ay arkeen meydadka in ka badan 20 qof, halka dhaawacyo gaaraya 40 qof la geeyay cisbitaallada Muqdisho.
Waxaa dadka dhaawaca ah ka mid ah saddex sawir-qaadayaal oo u kala shaqeeya warbaahinta caalamiga ah ee Aljazeera, AP iyo AFP.
Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka mid yihiin laba oday dhaqameed oo caan ka ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed.


Qaraxa hore ayaa lala beegsaday albaabka huteel Dayax, halkaasi oo ay tagaan qaar ka mid ah xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxa labaad ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay gaari ay wateen maleeshiyada huteelka gudaha u gashay.
Ciidanka ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo afjaray howlgal uu ka waday gudaha huteel Dayax.



Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in uu ka dambeeyay weerarkaasi.