Uncategorized

Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Aqalka sare oo bilaabatay iyo Sedex Gabdhood oo tartanka …

iftineducation.com – Waxaa goordhaw xarunta Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka bilaabatay doorshada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare, waxaana kursiga ku tartamaya ilaa 7-Musharax ay ku jiraan Haween.


Wareega koobaad ee Doorashada waxaa u gudbi doona afarta Xildhibaan ee ugu codadka badan Doorashada, waxaana wareega sedexaad hadii aanu tanaasul dhicin u gudbi doona afarta Musharax ee ugu codadka badan.


Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare waxaa dadka u tartamaya ku jira sadex Haween oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare, waxaana suurto gal ah in kursigaan ay kusoo baxaan haween hadii uu nasiibku saacido.




Musharaxiinta u tartamaya Gudomiye kuxigeenka labaad ayaa kala ah





1-Hodan Maxamud Cusmaan 


2-Cusmaan Axmed Macow


3-Fartun Cabdiqadir Faarax


4-Sacdiyo Xasan Csumaan


5-Cabdikafi macalim Xasan


6-Mowlid Xussein Guhaad


7-Iftin Xasan Iman