Uncategorized

DAAWO: Sheekh Shariif oo Kismaayo soo dhowayntii ugu Balaadhnayd loogu Qabtay, Muxuu ku arkay 10-sano Kadib

iftineducation.com –  Waxaa magaalada Kismaayo soo gaadhay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Waxaana magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxwaynaha maamulka Jubbaland, Xubno ka kala tirsan labada Gole, Fanaaniin iyo Saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidamada.




Xildhibaanada Jubaland laga soo doortay oo dhowaan looga yeedhay Kismaayo, ayaa Sheekh Shariif ka codsan doona taageero, isagoo halkaasi kulamo gaar gaara kula qaadan doono Madaxda maamulka iyo Xildhibaanada miisaanka leh, Wuxuuna Sheekh Shariif kamid yahay Musharaxiinta ugu miisaanka culus ee looga cabsi qabo xilka Madaxweyninimo ee Somalia.


Waxaana soo dhowaynta kadib Warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif Sh. Axmed oo sheegay inay Kismaayo ugu danbaysay 2006-dii, hadana uu ku arkay isbadal aad u badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *