Uncategorized

Daawo Sawirada: Shil Tareen Qasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay dalka Hindiya

iftineducation.com – Shil tareen oo dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacay gobolka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya, kadib markii Tareen rakaab badan waday cilad ku timid uuna kala go’ay.


Inta la xaqiijiyay 39-qof ayaa ku dhimatay shilkaasi tareen tiro intaas kabadana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, waxaana suurto gal ah in ay sii kordhaan qasaaraha shilkan ka dhashay .


Madaxa qadadka tareenada ee dhanka bariga, JP Mishra ayaa sheegay in tareenka qeybtiisa hore iyo qeybta dambe matoorka uu kala go’ay., waxa uuna shilkan ka dhacay meel meel lagu magacaabo Kuneru


Shaqaalaha ku howlan samo tabixinta dadkan wax ku noqday shilkan ayaa sheegay in ay suurto gal tahay in qasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato, 



waxaana dad badan laga baadi goobayaa qeybaha hoose ee tareenka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *