Uncategorized

DAAWO: Malyuun Axmed oo Caruurteeda Qaraxii iyo Xabad socota Kasoo Saartay Weerarkii Hotel Dayax

iftineducation.com – Malyuun Axmed Xasan  Waxay kamid tahay Dadka dagan Agagaarka Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho, waxayna ka warbixisay Wixii qabsaday markii ay dhex gashay Xabada iyo Qaraxyada oo socda, Iyadoo doonaysa Inay Caruurteeda kasoo saarto Dugsii Qur’aan ku dhegan Hotelka Dayax,  Waxayna sheegtay inay u ahayd maalinti ugu naxdinta iyo Mrugada badneyd,


“Waxaana dugsiga Qur’aanka ku maqnaa Labadii Gabdhood ee aan dhaley iyo Gabar walaashey dhashey oo hal boosbaa ka xigey goobta ay wax ka baranayeen Huteelka La weearay,  anigu wakhtigaasi guriga Ayaan Ku sugnaa markii qaraxa ugu horeyey dhacey, markiiba waxaan xasuustey gabdhihii iney Iga maqanyihiin rasaas xoogan ayaa soconeysey waana kusoo Cararay Markiiba “


HALKAN KA DAAWO WIXII DHACAY IYO MALYUUN



“Rasaastu  agtayada ayey Ku dhaceysey,  waxaa nalaga hor keenay qaarka mid ah ardeydii oo dhaawaca gurigii ayaa Ku dumey Ardeyda markaa dareenkeygu Runtii garan maayo suu noqdey intii yareyd ee aan sii ordayey alle ayaa mahadaas iska leh waanu heley caruurtii oo an waxba gaaadhiin “.


Qaraxyadii  iyo Weerarkii lagu Qaaday  Hotelka Dayax ee Muqdisho ayaa  gaystay Khasaare Nafeed  oo badan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *