Uncategorized

AMISOM oo sheegtay in ay Mag ka bixineyso shilkii Duleedka Muqdisho

iftineducation.com – Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose  iyo Saraakiisha AMISOM ayaa ka wada hadlay dhacdadii Gaadiidka AMISOM ay ku jiireen dadka Shacabka ah.


Saraakiisha AMISOM ayaa ballan qaaday Magta Marxuumiintii ku geeriyooday Shilkaas iyagoo xusay in kuwii ku dhaawacmayna ay Baxnaano Caafimaad u sameyn doonaan.


Xoghayaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdirisaaq Xasan Axmed ayaa shaaca ka qaaday in qodobada ay kula heshiiyeen Saraakiisha AMISOM ay qeyb ka tahay in Bukaanada aan xaaladooda wax looga qaban karin dalka Gudihiisa loo qaado dalka dibaddiisa.


AMISOM ayaa ku andacootay in Wadaha Gaarigooda wax jiiray uu xakameyn kari waayay Gaariga kadib markii u fariin goostay taasina ay ugu wacneed shilkaasi.



Dhacdadaas ayaa la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 10 qof halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.


amisom1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *