Uncategorized

Xaaska Madaxweyne shacabkiisu baahan yihiin oo faraanti ku iibsatay 1.4 milyan oo dollar (Daawo Sawirro)

iftineducation.com – Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ayaa waxaa la soo deristay fadeexad cusub ka dib markii xaaskiisa ay dalbatay fargashi ama faraanti qiimihiisu gaarayo 1.4 milyan oo dollar (hal Milyan iyo afar boqol oo kun oo dollar).


Wargeys ka soo baxa dalka Zimbabwe oo lagu magacaabo Independent ayaa soo daabacay sheeko ku saabsan in dacwad lala tiigsaday xaaska Madaxweyne Robert Mugabe ka dib markii laga war helay lacagaha faraha badan ee ay ku dalbatay faraantigan.


Fargashiga ayaa looga gol lahaa in madaxweynuhu xaaskiisa hadiyad uu uga dhigo sanad guurada 20-aad ee guurkooda ka soo wareegtay. Kuwaas oo is guursaday bisihii August ee sanadkii1996-kii.


Grace Mugabe ayaa fargashiga ka dalbatay qof dahabka iibiya iyadoo loo maray nin ganacsade ah, waxaa kaloo wararku leeyihiin waxaa dacwadda qayb ka ah mid ka mid ah wiilasheeda oo lagu magacaabo Russell Goreraza iyo waardiyaheeda gaarka ah.


Qorshihii Fargashiga loogu keeni lahaa Grace Mugabe ayaa dhicisoobay ka dib markii qofkii ka soo qaadi lahaa magaalada Dubai uu diiday in uu qaado, waxaase xaaladda sii adkeeyey markii qofkii laga soo iibinayey uu diiday in lacagta u celiyo si dhamaystiran.





Talaabadan ay qaaday xaaska madaxweyne Mugabe ayaa waxaa ka carooday shacabka wadanka Zimbabwe oo in badan oo ka mid ah ay saameeyey fakhri iyo nolol xumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *