Uncategorized

UNAIDS: “Waxaan guulo ka gaarnay cudurka faafa ee AIDS, laakiin ma arkayno horumarka ‘

iftineducation.com – Iyada oo dunida u dabaal degtay Maalinta AIDS-ka Adduunka, UNAIDS ayaa sheegatay AIDS in uusan dhamaanin, laakiin waa lasoo afjari karaa haddii ay dunidu si wadajir ah u qaadataa hab nolol-wareegga si carruurta ay ugu dhashaan iyagoon qabin cudurka, lagana dhawro feyruska HIV.


Agaasimaha Fulinta ee UNAIDS, Michel Sidibe ayaa ku sheegay fariinta Maalinta AIDS-ka Adduunka in aanay aheen waqtigi la joojin lahaa, laakiin loo baahanyahay dadaal laba raab ah si loo dhiso natiijo guul leh si loo soo afjaro AIDS ka 2030.


“Dadka qaba labo ama ka badan oo fayrusyada waqti isku mid ah ee HIV, sida qaaxada (TB), kansarka afka ilmo-galeenka iyo cagaarshowga C , ayaa halis gelinaya bartilmaameedka diirada la saarayo ee ah in 2020 dhimashada la xiriirta AIDS-ka ee 500 000 meesha laga saaro …



In cudurka AIDS ka lasoo afjaro wa lagama maarmaan haddii ay dunidu doonayso in ay gaaraan bartilmaameedka 2020, “ayuu yiri.


Sidibe ayaa u digay haweenka dhallinyarada ah, gaar ahaan gabdhaha sub-Sahara Africa, kuwaas oo uu sheegay in si gaar ah khatar ugu jira inay qaadaan Xanuunka HIV.


“Waxaan ognahay in gabdhaha ku nool wadamada sub-Sahara Africa, xiliga qaangaarnimada uu yahay waqti si gaar ah halis ugu jiraan.


Haweenka yar yar ayaa wajahaya halis sare oo cudurka HIV, heerarka hoose ee baaritaanada HIV iyo helitaanka daweynta HIV, “ayuu yiri.


Ugu yaraan 35 million oo qof ayaa u dhintay xanuunada la xiriira AIDS-tan iyo kiisaska ugu horeyay markii lasoo sheegay iyo in ka badan 18 milyan oo qof ayaa ku jira daaweynta HIV ee naf-badbaadinta.


“Guusha aan gaarney ilaa hadda ayaa na siinaysaa rajo mustaqbalka, laakiin iyada oo aan hor u soconeeno waa in aynu ogaannaa in aan noqonin kuwo isku qanacsan. Waxaan hadda ma joojin karno, “Michel Sidibe ayaa sida kula taliyay dadweynaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *