Uncategorized

Sidee loo cusbooneysiiyaa fiqhiga

iftineducation.com – Waxaa mahad mudan Allaha caalamka rabiga u ah,  waxaan ku salinayaa oon salaamaya midka ugu sharafta badan mursaliinta, ahna midka lagu khatimay anbiyada sayidkeena ahaa muxamed, – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, Ilaahay –cazza wa jalla – wuxuu siiyay waxyaalo qiime badan, wuxuu kaga abuuray jacayl addoomaha  quluubtooda  sayidkayga rasuulkii Alle ahow,

Waxaad ku beertay jacaylka quluubta oo dhan,
Wixii uu ku siiyay Allaha waxa maqan og,
Aadaabta iyo deeqsinimada yaabka leh,
Iyo aqoon iyo dulqaad iyo xishmo,
Intaa kaddib. ,
  Waxaa la og yahay shareecada islaamka inay ugu yeertay fududaynta, balse waxay ugu yeertay masaamaxa, Allaha sarreeya wuxuu leeyahay: ” diinta dhib kama yeelin” nabiga la doortay naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, wuxuu leeyahay : “fududeeya ee culays haka dhigina, bishaareeya ee dadka ha fiijinina”, waxaa habboon in la ogaado shareecada islaamka waxa ay la gaar tahay waxaa ka mid ah, inay is dhammaystiraan iimaanka iyo aqoonta, waxaa ka mid ah waxyaalaha ay la gaar tahay shareecada islaamka, inay is dhammaystiraan aqoonta iyo iimaanka, waxa ugu horreeya oo soo degay quraanka ka mid ah waa aayadaha suurati Al-calaq, wuxuu leeyahay Allaha sarreeya: ” Magaca rabbiga ku abuuray ku akhri”, aayaddan aqoonta ayay ku boorrisaa, sidoo kale axaadiista qaarkooda ka soo aroortay rasuulka, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- aqoonta ayay ku boorrisaa, waxaa ka mid ah oraahda rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, ” raadinta cilmiga waa waajib saaran qof kastoo muslin ah rag iyo dumarba”, axaadiista qaarkooda waxay amrayaan in la dalbo cilmiga nolosha oo dhan, waxaa soo arooray hadalka rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- oo ah ,” dalbada cilmiga dhalashada ilaa dhimashada”, halkaan waxaan ka ogaanaynaa wixii kitaabka Alle ku soo arooray, iyo wixii sunnada nabiga ku soo arooray, in ijtihaadka  iyo cusboonaysiinta markaan eegno, waxaan ogaanaynaa inay ka mid yihiin usuusha shareecada islaamka, sidii loo gaari lahaa in lala socdo isbaddalka bulshadeed, sidoo kale dhaqaalaha gudaheena, waxaan ula jeedaa casrigeena oo aannu ku nool nahay, waxaan rabnaa inaan caddeyno arrin muhim ah, kaas wuxuu yahay, cusboonaysiinta waa maxay?, Waxaan ka wadnaa cusboonaysiinta casrigeena xaadirka ah in lagu ijtihaado, wixii aan xukun sharci ku soo aroorin, ijtihaadka wuxuu ka soo fulaa nusuusta Quraanka am xadiiska nabiga, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-,  waxaa isku mid ah ijtihaadka meesha uu ka soo fulayo Quraanka ama xadiiska, ama haddii uu noqdo mid fugahada ijtihaadkooda ka soo fulay, sidoo kale cusboonaysiinta maxaan ka wadnaa? ulajeednaa, sidaas oo kale waxaan ula jeedaa in la saxo waxyaalaha qaldan, sidoo kale waxyaalaha qaar aan saxa ahayn oo dadka si kale u haysta, oo aan u jeedno oo aan arkayno, cusboonaysiinta waxay ku leedahay ahamiyad weyn shareecada islaamka, taas oo ah in cusboonaysiinta meel sare ay ka joogto casriga aan joogno, maxaa? Cusboonaysiinta wax badan ayay daaweysaa, marka la eego mashaakil badan ayay xallisaa ama waxay xallisaa mushkiladaha gaarka ah, waxaan suurtagal ahayn in la keeno dhanbaal islaami oo diini, oo sax ah iyadoon jirin cusboonaysiin, la xiriirta dhammaan ama la xiriirta nolosha qaybaheeda kala duwan, dhanka siyaasadda bulshada sidoo kale waxaa ka mid ah, arrimaha tusiya muhimadda ay leedahay cusboonaysiinta casrigeena la joogo, markaan eegno cusboonaysiinta waxaan arkaynaa inay arrin weyn ay salka u dhigayso, arrintan waxay tahay nabadgelyo, in laga tago dagaal waa in la caddeeyo in shareecada islaamka, inay dadka ugu yeerayso nabad iyo nabadgelyo, balse waxay ugu yeeraysaa amniga iyo amaanka, sidaa oo kale waa in la joojiyaa fowdada hadalka diiniga ka jirto, kaas hadda aan arkayno oo aan hadda u jeedno, oo ka dhalanaya in dad badan aan takhasus u lahayn axkaamta shareecada islaamka, iyo waxaan ka arkayno dad badan kanaalada oo ka hadlaya diinta, ama arrimaha diinta iyo arrimo badan iyagoon istaahilin, balse wax aqoon ah uma laha qaacidooyinka diinta iyo axkaamta islaamka iyo usuushiisa,.
Cusboonaysiinta iyo dabciga islaamka,
Sida la og yahay shareecada islaamka ama muslimiinta oo dhan  agtooda, in risaalada nabi Maxamed -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, ay leedahay waxyaalo gaar ku ah oo badan, waxyaalaha ay la gaar tahay waxaa ka mid ah:, risaaladan waxaa lagu tiriyaa inay tahay tii ugu dambaysay ee khatimaysay risaalooyinka, arrintan waxay ku caddahay wixii ka soo arooray kitaabka Allaha sarreeya oo uu yiri:, “Muxamed aabbe uma aha mid ka mid ah raggiina laakin waa rasuulkii Alle iyo kan lagu khatimay anbiyada”, arrinka labaad : risaalada islaamka waxay gaar la tahay in dadka oo dhan loo soo diray, risaaladan oo dadka oo dhan ku wajahan markaan eegno, waxaan ogaanaynaa inay dadka oo dhan ku wajahan tahay, dadka oo dhan khalqiga oo dhan, waqtiyada oo dhan meelaha oo dhan, Allaha sarreeya ayaa sheegay wuxuu kitaabkiisa ku yiri:, “Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu’miniinta una digi gaalada”, sidaas oo kale waxaa caddeeyay rasuulka ,-naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– arrintaas, wuxuu yiri: waxaa lay siiyay shan oo aan la siinin dadka iga horreeyay, waxaa ka mid ah ” nabiga dadkiisa ayaa loo soo diri jiray si gaar ah, aniga dadka oo dhan ayaa la ii soo diray”, arrintan waa caddayn uu caddeynayo nabi Maxamed -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, risaalada nabiga waa guud dadka oo dhan ayaa loogu talaggalay, sidoo kale waqtiyada oo dhan sidoo kale meelaha oo dhan, marka annaga waxaannu u baahan nahay qadiyadda cusboonaysiinta, sidii arrintaas ay u waafaqdo u suubashada shareecada waqti kasta iyo meel kasta,
Cusboonaysiinta la doonayo.
Dhab ahaan cusboonaysiin kasta ama midda la rabo, cusboonaysiin kasta lama doonayo laakin marka aan ka hadlayno cusboonaysiinta, waxaa nagu habboon inaan ogaano cusboonaysiinta la doonayo, oo la sugayo sida dhabta ah waa cusboonaysiinta kitaabka Alle ka soo fulayso iyo sunnada rasuulka, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– , waayo waa labada masdar ama waxay ka mid yihiin masaadirta sharciyaynta islaamiga kuwa ugu muhimsan, cusboonaysiinta aan rabno waa midda kitaabka Alle ka imaanayso, sidoo kale ka imaanayso sunnada rasuulka -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– , sida ka soo aroortay nabi Maxamed -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– oo uu yiri:, ” waxaan idin kaga tagay wax haddii aad qabsataan, aydan lumaynin gadaashayda waa kitaabka Alle iyo sunnadayda”  cusboonaysiinta ka imaanayso kitaabka Alle waa fahanka saxda ah, oo kitaabka la fahmo sidoo kale waa fahanka saxda ah, oo sunnada la fahmo waa cusboonaysiinta la rabo in arrinta oo kale lagu fiiriyo, cusboonaysiinta la rabo waa midda ku tiirsan kala duwanaansho, cusboonaysiinta ku tiirsan in la tixgaliyo ra’yiga iyo ra’yiga kale, cusboonaysiinta ku tiirsan in la tixgaliyo dadka kale aragtidooda, cusboonaysiinta ku tiirsan fikirka toosan, waa cusboonaysiinta ku salaysan in insaanka naga mid ah, ay ku habboon tahay inuu ogaado in ra’yigiisa, -sida laga sheegay imaamyada aqoonta lahaa iyo fiqiga- ,” ra’yigayga waa sax wuxuu noqon karaa qalad, qofka kale ra’yigiisa waa qalad wuxuu noqon sax”, cusboonaysiinta aan rabno oo miraha keenaysa oo aannu ugu yeerayno, waa midda hodan ka dhigidda aragtiyada iyo fikirka, in lagu shaqaysiiyo arrimaha diinta saxda ah, kan weeye waxa aan rabno oo aan raadinayno, cusboonaysiinta la doonayo waa midda naga dhigayso inaan ku socono leen, leenkan ayaannu dadka kale uga furmaynaa, dad kale ayaan uga furfurmaynaa dadka kale ayaannu wax la wadaynaa, dadka kale ayaan ogaysiinaynaa samaaxada islaamka, iyo islaamka waxa uu wato oo wada noolaansho ah, wadanoolaanshahan waa mid nabad u ah dadka kale, waa kan midka aan ka rabno cusboonaysiinta la doonayo.,
Cusboonaysiinta la rabo oo aannu ka wadno waa cusboonaysiinta, caddaynaysa inta ay gaarsiisan tahay ummadda nabiga la doortay, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee–  wanaaggeeda, arrintaas uu Allaha sarreeya ka hadlay oo uu yiri:, “saasaan idinka dhignay umad caadil (khayr ah) si aad marag ugu noqotaan dadka”,  waxaa la og yahay wasadka inuu yahay waxa ugu fiican, ummadda nabi Maxamed -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, waa ummadaha midda ugu khayrka badan, umadda nabiga la doortay nabi Maxamed wuxuu ka dhigay Allaha sarreeya midda dhexdhexaadka ah, ee cadaalad leh saan shaagnay wasadka waa waxa ugu fiican,  sida la og yahay ummadda nabi Maxamed -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, ma aysan helin fadligan inuu yahay mooyee karaamayn lagu karamaynayo nabiga, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, Allaha sarreeya wuu kala fadilay anbiyada, meelaha qaarkoodana wuu kala fadilay, ummadaha qaarkoodana wuu kala fadilay, nabi Maxamed -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– ,wuu ka fadilay anbiyada oo dhan iyo rususha,  wuxuu leeyahay: “kuwaasi waa rasuuladi, waana ka fadilnay qaarkood qaarka (kale)”, ummadda nabi Maxamed -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, ummadaha kale, waxaa nagu habboon annagoo raadinayna cusboonaysiinta inaan caddeyno, inay nagu waajib tahay inaan wiilasheena barno iyo gabdhaeena, sidaas oo kale caqiidada saxda ah caqiidada dadka sunnada iyo jamaacada, caqiidada ashcariyada, waxyaalaha ka soo arooray waxaa ka mid ah:,
Rususha sharafta leh waxaa ugu fadli badan Axmed,
Inuu dadka kale ka fadli badan yahay lama dafiro,
Iyo awoowehiisa Ibraahiim al-khaliil,
Iyo ruuxa Ciisa Nuux iyo Midka lala hadlay,
Anbiyada iyo maa’igta hore waxaa ugu weyn
Jibriil xagga Allaha sarreeya,
Daaha saaxibkiisa waa Cumar Cusmaan
Abulxuseen iyo lixda muuqata,
Sacad Saciid inu cowf dalxa
Iyo Caamir Zubayr lixda fiican,
Reer badar Uxud iyo geedka
Dhammaantooda iyo ummadda loo bishaareeyay.,
Cusboonaysiinta aan ranbo waa cusboonaysiinta, heerka ummada nabi Muxamed noo caddeynayso, iyo fadliga ay ka fadli badan tahay ummadaha kale, arrintanna ma imaan karto marka la raaco mooyee manhajka dhexdhexaadka, kaasoo ku tiirsan caqiiqada azhar, oo uu yahay qofka ku dadaala farriintaas oo daryeela, waa imaamka weyn Pro. Axmed Al-dayib shaykha Al-azhar, waxaan ka hadlayno waa sababaha reeba cusboonaysiinta, waxaan rabnaa inaan isweyddiino muxuu u fashilmay isku dayitaanka cusboonaysiinta, ama maxay u fashilmeen wax badan oo laysku dayay cusboonaysiinta,  waqtigan aan joogno oo aan ku nool nahay dhab ahaantii, waxaa jira sababo aad u farabadan sababahan waxay keeneen, inay fashilanto qadiyadda cusboonaysiinta, sabahan waxaa ka mid ah sababka ugu horreeya oo ah:, inaan la kala saarin wax sugan iyo waxa isbaddalaya, waxaa loola jeedaa inaan la kala saarin waxyaalaha sugan, oo diinta ka mid ah iyo waxyaalaha kale, waxaa jira axkaam sugan oo layska iska ogyahay, taas waa waxyaalaha diinta oo sugan, waxyaalahan iskuma baddalaan isbaddalka waqtiga iyo isbaddalka meelaha, sidaas oo kale iskuma baddalaan dadka xitaa haddii ay isbaddalaaban, waxaa ka mid ah tiirarka shanta ah ee islaamka , taasoo nabiga -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– sheegay oo uu yiri:, ” Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir in la qiro , ilaahay inuu keli yahay nabi Maxamedna inuu yahay rasuulkiisa, salaadda in la oogo sakada in la bixiyo iyo xajka iyo soonka bisha ramadaan”., Waxyaalaha sugan waa waxa laga og yahay diinta daruuri ahaan, salaadaha waa shan qof ma imaan karo waqti waqtiyada ka mid ah, oo dhihi kara lix bay noqdeen maxaayeelay farriimhan way sugan yihiin, waana wax si daruuri diinta looga ogaaday, inaan la kala saarin waxa sugan iyo waxa isbaddalaya, midka sugan waqti kasta waa jiraa  meel kasta waa laga helaa, waana layska rabaa waxaa nagu habboon inaan ku dhaqanno, waxyaalaha isbaddalaya waa arrimaha caadooyinka iyo dhaqanka ahaa, iyo waxyaalaha kale oo ah arrimaha aan si daruuri diinta looga ogayn, arrimahan marka aan eegno xaqiiqadooda waxaan arkaynaa, xukunka inuu isbaddalayo marka waqtiga isbaddalo, halkan waxaan ka ogaanaynaa dadka dhahay,  fatwada waxay isku baddashaa isbaddalka waqtiga iyo makaanka, waxay ula jeedaan arrintaas waxyaalaha isbaddalaya, ee ulama jeedaan waxyaalaha sugan iyo tiirarka diinta, arrimaha diinta si daruuri looga ogyahay,  sababka koowaad reebay qadiyadda cusboonaysiinta, waa inaan la kala saarin waxyaalaha sugan iyo waxyaalaha isbaddalaya, sababaka labaad: waa inaan la kala saarin shareecada iyo fiqiga, maxaa loola jeedaa? Maxaa laga wadaa inaan la kala saarin shareecada iyo fiqiga?,  Waxaa laga wadaa dadka qaarkooda waxay qabsadaan, hadalka fuqahada iyagoo u arkaya inuu naska quraanka oo kale yahay, ama xadiiska nabiga -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-,  arrinkan markaan eegno waxaan ogaanaynaa inuu yahay sababaha keenay, qadiyadda cusboonaysiinta inay harto waaqaca aan joogno, iyo casriga aan ku nool nahay, waxaa noo soo horay hal arrin inaan ogaano, shareecada islaamka inay u suubato waqti kasta iyo meel kasta, iyadoo ah shareeca guud ah iyo mid waarta waxaa nagu habboon, inaan ogaano in shareecada islaamka horumar kasta ay la socon karto, wax kastoo cusub inay la socon karto arrinkan oo kale,  shareecada islaamka waa midda lagu khatimay shareecooyinka,  sidii uu sheegay Allaha sarreeya iyo sidii uu sheegay, nabiga -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-.,
Gabagabbadii waxaa nagu habboon inaan ogaano qadiyadda cusboonaysiinta, inay ka mid tahay qadiyadaha ugu muhimsan casrigan aannu nool nahay, in lagu dadaalo qadiyadda cusboonaysiinta kaligeeda waxaa lagu tiriyaa, in lagu dadaalo manhajka islaamka saxa ah,  sidoo kale waxaa nagu habboon inaan ogaano mafhuumka cusboonaysiinta, keligiisa markaan eegno waxaan ogaanaynaa inaan ka wadno ijtihaadka, waxaan ula jeednaa inaan saxno mafaahiimta qaldan, hadda waxaan u jeedno oo arrimo ah , arrimahan axkaam ayaa ku sugan, axkaamtan dadka qaarkii way ku kufaan, arrintaasna waxay ka soo jeedaa shay, annaga waxaannu ka fogaanay manhajka islaamka xaqqa ah, oo ku tiirsan kitaabka Ilaahay kuna tiirsan sunnada nabiga, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, hadalkan waxaa laga wadaa inaan marka hore si fiican u eegno, naska quraanka iyo inaan eegno xadiiska rasuulka ,-naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, sidaas oo kale waxaa nagu habboon inaanan moogaanin, turaaska fuqahadeena oo ka mid ah dadkeena hore, fuqahadeena oo ka mid ah fuqahada ummadda, kuwaas oo yimid nabiga -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee– kaddib, waxaa nagu haboonn inaanan moogaanin turaaska imaamyada afarta ah, oo waxa ay sheegeen ka mid ah haddii aan rabno qadiyadda cusboonaysiinta,  dhab ahaan waxaa la naga rabaa inaan is waafajino waxa, kitaabka Ilaahay ku soo arooray iyo waxa sunnada  rasuulka ku soo arooray, sidaas oo kale inaan is waafajino oo aanan moogaanin wixii ay sheegeen, dadkeenii hore oo ka mid ah turaaskooda waaraya, turaaskan dhab ahaan waxaa laga soo qaaday kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, imaam kasta imaamyada ka mid ah wuxuu ku dhisay mad’habkiisa iyo ijtihaadkiisa, kitaabkii Alle usuul uu ka soo qaatay kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, tusaale ahaan marka aan qaadanayno ra’yiga imaam Shaafici waxaan qaadanay sunnada rasuulka, markaan qaadanayno ra’yiga Maalikiyada waxaan qaadanay sunnada rasuulka, markaan eegayno turaaska salafkeena oo aan qaadanayno ra’yiga Xanaabilada waxaan qaadanay sunnada rasuulka, marka dhammaan waxay ka soo qaateen sunnada rasuulka, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-, Ilaahayga sarreeya oo weyn ayaan weydiinaynaa inuu nagu arsaaqo towfiiq, inuu na waafajiyo waxa uu jecel yahay oo uu raalli ka yahay, -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato nabi Maxamed iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *