Uncategorized

Pakistan: Junaid Jamshed, heesaaga caanka isku badalay wadaad oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda ku dhacday waqooyiga oo 48 qof ku dhinteen

iftineducation.com – Diyaarad ay leedahay Pakistan International Airlines (PIA) oo ay saaran yihiin 48 qof ayaa ku burburtay waqooyiga Pakistan meel ku dhow caasimada Islamabad, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha (PIA) .


Diyaarada nooca PK 661 ayaa ku dhacday waqooyiga wadankasi wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada buuraleyda ee waqooyiga Chitral waxayna u socotay magaalada Islamabad, sida ay sheegeen maamulka duulista.



Ciidamada Pakistan ayaa kasoo saaray maydadka 21 burburka diyaarada , sida lagu sheegay war uu soo saaray millatariga.


Junaid Jamshed, fanaankii caanka ahaa ee Pakistan ee isku badalay wadaad dadka wacdiya, iyo xaaskiisa ayaa sidoo kale ku-jiray dadka saarnaa diyaarada ku dhacday degmada Abbottabad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *