Uncategorized

Nin Tanzaniya u dhashay oo xayeysiiyay inuu raadinayo xaas la baad

iftineducation.com – Nin 75 sano jir ah oo u dhashay dalka Tanzaniya ayaa billaabay baaritaan uu ku turxaan bixinaayo xaas cusub ka dib markii afadiisii hore ay dhimatay.


Cusmani Mchambua ayaa sameeyay boorar xayeysiimo ah oo uu ku dhejiyay nawaaxiga Mbagala ee magaalada Dar es Salaam.


Wuxuu dumarka daneynaya guurkiisa ugu baaqay inay wareysi iyo imtaxaan u yimaadaan.






Xayeysiinta oo luqadda Sawaaxiliga ku qoran waxaa lagu sheegay “Gabadha ku guuleysata waa inay noqotaa howlkar, waa inay beerta maamuli kartaa, waana inay noqon kartaa aayada ama hooyada 11-kayga caruur”.
Waa xayeysiinta uu sameeyay Cusmani Mchambua
Image caption
Waa xayeysiinta uu sameeyay Cusmani Mchambua
Mr Mchambua wuxuu BBC-da u sheegay in uu doonayo in asiga uu sameeyo imtaxaanka oo uusan u marin dhexdhexaadiyayaal kale.
Arrintaasi dhexdhexaadinta ayaa caado ka ah dhaqamada qaar ee dalkaasi Tanzaaniya.
“Waxaan go’aansaday inaan aniga baaritaan ku sameeyo dumarka soo codsada guurka aan raadinayo” ayuu Yiri Cusmani Mchambua
Illaa iyo hadda, afar dumar ah ayaa maray imtaxaanka tijaabada ee lagu ogaanayo inay u qalmaan guurka. Asiga ayaana ka qaaday wareysiga tijaabada ah.

Gabar uu dhalay ninkan, Dalia Mchambua, waxay BBC-da u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in aabeheed uu hanaankan u maro inuu xaas kale guursado.
Waxay intaa ku dartay inay diyaar u tahay inay aqbasho gabadha ku guuleysata arrintan inay hooyo u noqoto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *