Uncategorized

Nigeria: Bariiska caag ma ahan ee wuu sumeysan yahay

iftineducation.com – Tijaabo lagu sameeyay bariis ay qabatay dowladda Nigeria oo loo maleynaayay inuu caag ka sameysaa ayaa lagu ogaaday inuu sumeysan yahay, balse uusan caag ahayn.


Laanta ilaalinta cuntada iyo daawada ee dalka Nigeria (NAFDAC), ayaa sheegtay in hadda baaritaanka la soo afjaray.


Bariiska waxaa lagu arkay bakteeriya “dhaaftay xadkii caadiga ahaa ee loogu talagalay”, ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay Nafdac.
Saraakiisha canshuuraha waxay sheegayaan in bariiska ay isbuucii hore ku qabteen Lagos uu yahay caag, laakiin jahwareer ayey abuurtay markii saraakiil kale ay beeniyeen.
Wasaaradda caafimaadka oo dhexgashay arrinta ayaa sheegeysa inaan “cadeyn loo haynin” sheegashada laamaha canshuuraha.




Tijaabo caafimaad oo lagu sameeyay bariiska waxaa lagu ogaaday in “Dadka aysan isticmaali karin”.
Arrintaas ayaa loo sababeynayaa in bakteeriyo ku jirta bariiska oo xadkeeda dhaaftay iyo in bariiskana uu qaab ahaan is bedelay, sidaas ayaa lagu xusay war ka soo baxay Nafdac.


Si kastaba, laanta canshuuraha ee dalka Nigerai oo shir kale saxaafadda u qabatay waxay sheegtay inay haayaan warar sugan oo sheegaya in bariis “caag ka sameysan” oo maraakiib laga soo saaray “bariga fog ee Aasiya uu ku soo wajahan yahay Afrika”.




Bariiska wuxuu dhaqan u yahay dalka Nigeria in hadiyad ahaan la isu siiyo xilliyada ciidaha masiixiga ama sanadka cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *