Uncategorized

MUUQAAL: Haweenaydii Barnaamijka Somali-week ee UK oo Siilaanyo uu ka dhigtay Wakiil Dalka ingiriiska u Jooga Iyo Sheekadii Suudaan Iyo Safaaradda

iftineducation.com – MUUQAAL: Haweenaydii Barnaamijka Somali-week ee UK oo Siilaanyo uu ka dhigtay Wakiil Dalka ingiriiska u Jooga Iyo Sheekadii Suudaan Iyo Safaaradda


Ayaan Cashuur oo ahayd Madaxii Barnaamijka Soomaali Week ee UK ayaa Axmed Siilaanyo wuxuu u magacaabay Wakiil u Fadhin doona Dalka Ingiriiska.


HALKAN KA DAAWO VIDEO


Arintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhowaan uu buuq ka taagnaa, Sida ay ku Maamusho Barnaamijka Somali-Week oo Dawlada Ingiriisku ay dhaqaalaha ku siiso magaca Soomaaliya, Iyadoona lagu eedeeyay Barnaamijkaasi inuu Noqday Somaliland-week.


Sheekadii Sudaan  maamulka S.land iyo Safiir


” Wakhti aan hada saa ufogayn baan Khartoum arday badan kusoo dhaweenay kuwaasoo Jaamacado badan ka helay deeq waxbarasho ardaydaa qaar ka yimid Hargaysa iyo burco baa kamid ahaa, Maalin markay joogeen oo aan damacnay inaan hawlihii Jaamacadohooda la galno si ay waxbarasho ubilaaban baa qaar ka mida nagu yiraahdeen Safaarada Somaliland nageeya, Yaab baa ALLE noo keenay war safaarad somaliland Khartoum kuma taalee sidee wax uwadaan?









May Xagaasa nalooga soo sheegay safaarada waa inaad nageesaan, Nasiib wanaag qaar iyaga ka mid ahaa waa fahansanaayeen In meeshan Safaarad haday noqoto mida Somalia oo kaliya ay ku taalo laakiin rag iska Jibeesan baa inta badan jira, Hadal iyo dhaman ragii magaaladii khartoum dhinacay ka galeen oo way la qabsadeen In kastoo xata ay aaminsanaayeen in shahaadaday wataan xataa la aqbalayo laakiin maysan noqon, Markastoo hada ragii aan Khartoum ku dhex arko waxaan waydiiyaa bal inay Safaaradii Somaliland heleen kolkaasay qoslaan oo dhahaan war waanu dhaga xidhneen,” Si kastaba hada  beentaas dadkoo dhan  lagama  dhaadhicin karayee,  Qaar uun dhaga xidhan “.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *